Itoobiya ayaa kaalinta labaad gashay tartanka ciyaaraha fudud ee wadamada Afrika. - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa kaalinta labaad gashay tartanka ciyaaraha fudud ee wadamada Afrika.
Addis Ababa; Yakaatiiti 17/2016 (ENA): Waxaa maanta magaalada Hammam ee dalka Tunisia lagu sogabagabeyay tartankii 6-aad ee ciyaaraha fudud ee wadamada Afrika.
11 wadan oo ay ku jirto Itoobiya ayaa ka qayb galay tartanka.
Dalka Itoobiya waxa ugaga qaybgalay 28 ciyaartoyin oo ukala tartamaayay 6 km ee haweenka da'da yar, 8 km ragga da'da yar, 10 km oo loogu talagalay haweenka iyo ragga waaweyn iyo kuwa isku dhafan.
Sida xogta aan kuhelayno Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud waxa ay ityoobya gashay kaalinta 2-aad ee tartanka iyada oo haysatay laba Biladood oo Dahab ah,Shan Qalin ah iyo Saddex Maar ah oo Shakhsi iyo Kooxba ah.
Kenya ayaa kaalinta koowaad gashay.