Ilaalinta Deegaanka - ENA Af-Soomaali
Ilaalinta Deegaanka
Dhul gariirka ku soo noqnoqday aagga Fantaalle ayaa cabsi ku beeray dadka deegaanka
Jan 15, 2025 31
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 7/2017 (ENA): Degmadda Fentalle, gobolka Bariga Shawa, ee Oromiya ayaa dhul gariir uu ku soo noqnoqday iyadoo cabsi weyn ku beertay dadka ku nool agagaarka buurta Fentalle, sida warbixinta lagu sheegay. Sida laga soo xigtay xafiiska warfaafinta ee degmada Fantaalle, dhul gariirkan ilaa iyo hadda wax khasaare ah ma uusan geysan, balse wuxuu cabsi xooggan ku abuuray dadka deegaanka, taas oo sababtay in qaarkood ay deegaanka ka cararaan. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in dhul gariirku uu weli socda, waxaana caawa fiidkii qaraxyo dhulgariir oo kale laga dareemay agagaarka Fantaalle.
Shirweynaha 69-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika oo Lagu Qabanayo Addis Ababa Todobaadka Soo Socda
Jan 15, 2025 30
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 7, 2017 (ENA) – Shirweynaha 69-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika (GHACOF 69) ayaa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa maalmaha Dharrabley/Tir 12 iyo 13, 2017 T.I. Shirkan ayaa lagu qaban doonaa hal-ku-dhigga, “Adeegyada saadaasha Cimilada,Wadajir u Buuxinta godaloolada Digniinta Hore.” Waxaa la shaaciyay in Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Urur-goboleedka IGAD (ICPAC), oo kaashanaysa hay’adaha horumarinta, ayaa soo qabanqaabisay shirkan. Sida ku cad bayaan ka soo baxay IGAD ee looso diray ENA, shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa saadaasha rasmiga ah ee xilliyeedka cimilada ee Geeska Afrika, taas oo lagu eegi doonta muddada u dhaxaysa march ilaa May 2025. Bayaanku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale diiradda la saari doono qiimaynta saadaasha cimilada ee xilli-ciyaareedka laga soo gudbay, ee u dhexeeyay Oktoobar ilaa Disembar 2024. Sidoo kale, shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa istiraatiijiyadaha la hirgeliyay iyo natiijooyinka laga gaaray dhisidda adkaysiga cimilada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Shirweynahan waxaa la filayaa inuu noqdo madal ay isugu yimaadaan khubaro, sameeyayaasha siyaasadda, hay’adaha horumarinta, iyo daneeyayaasha ku shaqada leh arrimaha cimilada. Ka hor shirweynaha , IGAD ayaa ku dhawaaqday in sidoo kale la qaban doono dood-cilmiyeedyo ku saabsan saadaasha cimilada iyo nuglaanta bulshooyinka. Waxaa xusid mudan in Shirweynihii 68-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika lagu qabtay magaalada Nairobi, Kenya, sanadkii 2024.
Ol'ole nadaafadeed ayaa laga fuliyay guud ahaan magaalada Jigjiga
Nov 21, 2024 168
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Ololahan ayaa qayb ka ah xuska sanad guurada 5aad ee aas aaska Xisbiga Barwaaqo iyadoo laga fuliyay wadooyinka waaweyn iyo 20 ka xaafadood ee Maamulka Magaalada Jigjiga. Ol'olahan ayaa waxaa qayb ka ahaa hoggaaminta, shaqaalaha iyo bulshada magaalada Jigjiga. Inj. Shaafi Axmed, Duqa maamulka magaalada Jigjiga oo ol'olahan kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in mudada lagu gudo jiro sannad guurada 5aaad ee Xisbiga Barwaaqo magaalada laga fulin doono tabarucaad iskugu jira dhiig shubis, dadka danyarta ah oo la caawiyo iyo in la soo bandhigo waxqabadka 5 tii sano ee la soo dhaafay guulihii u qabsoomay Maamulka Magaalada Jigjiga.
Ka qayb galka firfircoon ee bulshadu waa muhiim si loo ilaaliyo nadaafadda magaalada – Jantiraar Abaay
Nov 21, 2024 176
Addis Ababa; Gudba/Hidaar 12/2017 (ENA): Ku xigeenka Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Jaantirar Abaay ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada si magaaladu ay u noqoto magaalo bilic iyo soo jiidasho leh. Mudane Jaantiraar ayaaa ka qayb galay barnaamijka ololaha nadaafadeed ee saaka ka qabsoomay guud ahaan magaalada Addis Ababa. Waxaa barnaamijka ololaha nadaafadda si weyn uga qeyb qaatay madaxda iyo shacabka caasimadda. ku xigeenka duqa magaalada Jantiraar Abay ayaa sheegay in nadaafadda deegaanka ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu abuuri karo bulsho caafimaad qabta. Sidoo kale waxa uu xusay in guud ahaan magaalada ay ka socdaan howlo nadaafadeed oo lagu nadiifinayo magaalada iyo sidii ay bulshadu ugu nolaan lahaayeen magaalo nadiif ah. Ugu dambayntii, waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo heli lahaa bulsho caafimaad qabta oo nadaafadda magaaladana ilaalisa
Waan sii xoojin doonaa shaqada aan Addis Ababa kaga dhigayno mid nadiif ah oo ku habboon nolosha – Duqa magaalada Addis Ababa Adhaanej Abebe
Nov 21, 2024 175
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 12/2017T.I.(ENA): Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Adhaanej Abebe ayaa sheegtay in dadaallada lagu nadiifinayo magaalada ay sii socon doonaan. Maanta, olole nadiifadeed ayaa laga sameeyey dhammaan xaafadaha magaalada Addis Ababa. Ololaha nadaafada ee magaalo hoosaadka Kirkoos, waxaa ka qaybgashay duqa magaalada Adhaanej Abebe, masuuliyiin sar-sare, iyo dadweyne kale duwan oo magaalo hoosaadka ah. Marwo Adhaanej ayaa sheegtay in arrimaha ay dowladdu xoogga saarayso isbedelkii kadib ay tahay nadaafadda magaalada iyo qurxinteeda. Waxay sidoo kale tilmaantay in lagu guuleystay dadaallada Addis Ababa loogu beddelayo magaalo cusub oo magaceeda u qalanta. Tani waxay ka dhigeysaa magaalada mid tusaale u noqota nadaafadda iyo quruxda. Marwada ayaa xaqiijisay in shaqadan qurxinta iyi nadaafada ay tahay mid lasii xoojin doono. Ugu dambayntii, waxay bulshada ugu baaqday inay joogteeyaan ololaha nadaafada ee magaalada.
Waxaa lakala saxiixday is-afgarad cusub oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Ruushka, kaasoo ku saabsan in la yareeyo heerka carbon-ka iyo isbeddelka cimilada iyadoo la adeegsanayo iskaashiga arrimaha hawada
Nov 14, 2024 211
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 05/2017T.I.(ENA): Heshiiskan ayaa lagu ansixiyey shirkii ay ka qayb galeen dowladaha xubnaha ka ah ururka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada. Heshiiskan ayaa tilmaamaya in Itoobiya iyo Ruushka ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan arrimaha isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin yareynta heerarka carbon-ka iyo horumarinta farsamooyinka la xiriira hawada iyo tamarta. Heshiisku wuxuu sidoo kale ka kooban yahay mashaariicda la xiriira kor u qaadista waxtarka tamarta iyo horumarinta ilaha tamarta ee waara. Dowladda Itoobiya waxay muujisay in heshiiskan uu muhiim u yahay sidii loo gaari lahaa himilooyinka qaranka ee yareynta carbon-ka, iyadoo sidoo kale lagu xusay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta deegaanka iyo ilaalinta cimilada. Itoobiya waxay sidoo kale si gaar ah u xustay muhiimadda iskaashiga noocan oo kale ah si loo gaaro natiijooyin waara ee dhinacyada tamarta iyo deegaanka.
Waxaa la beeray inkabadan 615.7 milyan oo geed maanta
Aug 23, 2024 710
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Sidaan wada ognahay guud ahaan dalka waxaa ka socday barnaamij dhir-beeris ah oo lagu beerayay 600 oo milyan oo geed. Hadaba waxaa lagu guulaystay in 615.7 milyan oo geed, taasoo ka saraysa qorshihii la dhigtay in la beero. Waxaa la aasaasay gudi xog ururin iyo tirakoob samaynaysay iyagoo shaaciyay in la beeray in kabadan qorshihii maanta yaalay in la beero.
Waxaa lagu dhawaaqay in 594 milyan oo geed la beeray maanta guud ahaan dalka
Aug 23, 2024 682
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Adeegga Xidhiidhka dawladda ayaa ku dhawaaqay in 594 milyan oo geed la beeray barnaamijka raadka cagaaran ee halkq maalin oo maanta ah tan iyo 12-kii subaxnimo la beerayay. Barnaamijkan oo lagu beerayo 600 oo milyan oo geed hal maalin ayaa guud ahaan dalka laga wado maanta. Wasiiru Dawlaha Adeega Xidhiidhka Dawladda Salaamaawiit Kaasaa ayaa sheegtay in maanta laga soo bilaabo waabarigii ilaa iyo gabal dhaca in guud ahaan la beeray 594 milyan oo geed. Waxaana dhir beeristan laga sameeyey 8 kun, 454 goobood iyadoo ay ka qayb qaateen in kabadan 28 milyan oo qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ah.
Hogaaminta Gobalka Afdheer ayaa samaysay dhir-beeris
Aug 23, 2024 724
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Hoggaaminta gobolka Afdheer, maamulka degmada Baarey iyo bulshada ku dhaqan degmada Baarey ayaa dhirbeeris qaybka ah barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo la rabo in si guud deegaanka laga beero 2.5 miyan oo geed ka sameeyay degmada Baarrey. Maamulka gobolka, kuwa degmooyinka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo maalmihii u dambeeyay ka waday xarunta gobolka iyo degmooyinkaba dhirbeeris loogu talo'galay dhaxalreebka cagaaran oo qaybka ah maalinta dhirbeerista qaranka oo loo asteeyay 17-ka bisha nahaase oo ku beegan maanta oo jimce ah si duud magaalooyinka degmooyinka iyo xarunta gobolka Afdheer waxaa si wadajira looga beeray 51,850 geed. Gudoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre oo tilmaamaay in marka laga yimaado in dhirtan looga faa'iidaysan doono dhanka bilicda iyo quruxda deegaanka ay sidoo kale noqon doonto mid anfacda dadka iyo duunyadaba.
Barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo laga fuliyay xarunta gobolka Siti ee magaalada Shiniile
Aug 23, 2024 730
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Maamulka gobolka Siti, degmada Shiniile, jaamacada Diridhabe, ciidamada booliska fadaraalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Shiniile ayaa saaka aroor horeba iska xaadiriyay dugsiga sare ee Ugaas Xasan Xirsi, badhtamaha wadada cusub ee dhex marta magaalada Shiniile iyo dugsiga Fandhaale oo loogu talo'galay in laga beero noocyada kala duwan ee dhirta oo qayb ka ah barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo maanta deegaanka laga beerayo 2.5 milyan oo geed. Qorshaha dhaxalreebka cagaaran oo ah hindisaha Ra'iisulwasaare Abiy Axmad 5 sano ka hor ayaa ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay waxa uu yahay yareynta halista ka dhalata isbadalka cimilada iyo abuurida jawi lagu gaadho iskufilaansho cunto. Waxaana xusid mudan in sidoo kale barnaamijka dhaxalreebka cagaaran si habsamileh uga bilaabay 11-ka degmo ee goboka Siti.
Deegaanka Tigray, waxaa ka socda barnaamijka dhir-beerista raadka cagaaran ee heer qaran
Aug 23, 2024 234
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Waxaa deegaanka Tigray ka aocdo barnaamijka dhir-beerista qaran ee laga wado guud ahaan dalka taasoo lagu beerayo 600 oo milyan oo geed. Waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, culimaa'udiinka, haweenka, hay'addo kala duwan iyo caruur iyo waayeelba.
Barnaamijka Raadka Cagaaran ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya yareynta khatarta fatahaadaha soo noqnoqda ee Magaalada Diri Dhaba
Aug 23, 2024 222
Addis Ababa, Naaf/Nahaase 17, 2016 (ENA) — Maayar ku xigeenka magaalada Diri Dhaba ayaa sheegay in barnaamijka Raadka Cagaaran uu kaalin mug leh ka qaadanayo yareynta khatarta fatahaadaha soo noqnoqda ee ka dhaca magaalada Diridhaba. Maayar ku xigeenka ayaa ka qayb galay barnaamijka dhir beerista ee Diridhaba ee halka maalin lagu beerayo 600 ee milyan wuxuu sheegay in barnaamijka Raadka Cagaaran uu kaalin mug leh ka geysanayo dhimista khatarta fatahaadaha soo noqnoqda ee magaalada Diridhaba. Waxa uu sheegay in dhaqan gelinta Barnaamijka Raadka-cagaaran ee sanadihii la soo dhaafay ay soo kabanayaan deegaannadii xaalufay, waxaana horumariyo ilo-biyoodyo, isla markaana ay wax soo saar yeelanayaan goobihii aa wax soo saarka lahayni. Waxa uu sheegay in fahanka bulshada ee barnaamijka dhir beerista iyo daryeelka dadka deggan Diridhaba sidoo kale aad u kordhay. Waxa uu xusay in Xarla ay tahay goob loo dalxiis tago dhulka dhir beerista laga sameeyay ay abuuri doonto fursado badan oo dhanka dalxiiska ah. Waxa sidoo kale la tilmaamay in qorshe lagu beerayo 3 milyan oo geedo ah uu maamulka Diridhaba hirgeliyay xilliga xaggaaga.
Aan ka tagno Raadkeena cagaaran, oo aan samayno shaqo wanaagsan oo anfaca dhammaan basharka – Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa
Aug 23, 2024 218
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 17/2016 (ENA):- Madaxweynaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya Sheeh Xaaji Ibraahim Tufa ayaa sheegay in dhammaanteen aynu ka tagno raadkeena cagaarka ah, isla markaana aynu samayno shaqo wanaagsan oo anfacaysa dhammaan aadamaha. Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, Madaxweynaha Golaha Sare; ayaa dhir beeris Barnaamijka Raadka caggaaran ka fuliyay mashruuca kaynta ee degmada 5- ee magaalo hoosaadka Yeka. Waxa uu yidhi in arrinta Dhirta iyo Qurxinta deegaanka ay tahay waa mid saaran dhammaan bani’aadamka, sidaa darteed aan dhammaanteen aan sameyno shaqo wanaagsan oo waxtar u leh aadanaha oo dhan innaga oo ka qayb qaadanaynaa barnaamijka raadka cagggaaran. Maalinta Barnaamijka Raadka Cagaaran Muwaadiniintu waxay Reebaan raadkooda meel kasta, dhamaan caruur ilaa dadka waaweyn. Barnaamijku wuxuu bilaabmay subaxdii wuxuuna socdaa ilaa socon doonaa illaa maqribka, iyo dadka waaweyn waxay beerayaan in ka badan 20 geed; caruurtu waxa la filayaa in ay beeraan in ka badan 10 geed. Sida ku cad horumarka la samaynayo, qorshaha lagu beerayo 600 milyan oo geed hal maalin guud ahaan dalka oo dhan ah caawa ayaa la filayaa in si guul ah loo soo gabagabeeyo.
Dhir-beerista barnaamijka raadka cagaaran oo maanta kaliya lagu beerayo 600 oo milyan oo geed ayaa ka socda deegaanka Benishangul Gumus
Aug 23, 2024 218
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Bulshada Deegaanka Benishangul Gumus ayaa ka qayb qaadanaysa dhir-beeristan qaran ee maanta aida rasmiga ah uga socota guud ahaan dalka. Xogta warfaafinta deegaanka ayaa sheegeysa in barnaamijkan ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Deegaanka Ashadli Xasan.
Barnaamijka Raadka Cagaaran waa ilaalinta deegaanka iyo mashruuca horumarinta dhaqaalaha cagaaran - Inj. Negash Wageesho (PhD) madaxweynaha deegaanka Koonfur Galbeed Itoobiya
Aug 23, 2024 220
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 17/2016 (ENA): Engineer Negash Wagesho (Dr. E.) ayaa sheegay in ka qayb qaadashada barnaamijka Raadka-cagaaran ee ilaalinta deegaanka iyo horumarinta dhaqaalaha uu yahay mid muhiim ah. Barnaamijka Raadka- cagaaran ee halka maalin ayaa laga fulinayaa gobolka. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha deegaanaka koonfur galbeed ayaa Barnaamijka raadka cagaaran Ka fulinaya deegaanka Gojeb oo ka tirsan degmada Gimbo ee gobolka Kaffa. Madaxweynahu waxa uu sheegay in ka qayb qaadashada Barnaamijka Raadka Cagaaran ee fududaynta ilaalinta deegaanka iyo kobaca dhaqaale ee dhamaystiran ay tahay mid muhiim ah. Waxa uu tilmaamay in barnaamijka Raadka-cagaaran ee uu hindisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ka qeyb qaadanayo ka hortagga isbeddelka cimilada.
50 kun oo geed oo qayb ka ah dhir-beerista maalinta qaran ayaa lagu beeray kulliyadda tababarrada ciidanka ee Jigjiga
Aug 23, 2024 245
Jigjiga, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Hoggaamin sare oo ka tirsan xukuumada Deegaanka Soomaalida oo uu horkacayo Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi ayaa dhirbeeris qayb ka ah barnaamijka dhaxalreebka cagaaran. Waxaana si guud deegaanka loogu beerayaa 2.5 milyan oo geed iyadoo 50kun oo geed ay hogaamintu ku beereen kulliyada tababarada ciidanka. Dhirbeeristan ayay sidoo kale qay ka ahaayeem saraakiisha kulliyada iyo ciidanka tababarka ku qaadanaya xerada. Guud ahaan 400 oo goobood oo deegaanka ah laga sameeynayaa maanta dhirbeerista dhir dhan 2.5 milyan oo loogu talogalay in lagag qaybqaato 600 milyan oo geed oo guud ahaan dalka laga beerayo maanta.
Masuuliyiinta deegaanka ayaa dhir-beeris ka sameeyey gudaha magaalada Jigjiga
Aug 23, 2024 227
Jigjiga, Naaf/Nahaase 17, 2016T.I. (ENA): Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiin kale oo isugu jira heer fadaraal iyo heer deegaan ayaa dhir-beeris ka sameeyay Badhtanka laamida cusub ee waddada jidka 30-ka ee magaalada Jigjiga.
Ra`iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka sameeyey dhir-beeris magaalada Asoosa ee deegaanka Benishangul Gumus
Aug 23, 2024 246
Barnaamijkan taariikhoga ah Beeritaanka dhirta ah, waxaan ku Sugan nahay dhulka khayraadka waxaana joognaa magaalada Asosa ee deegaanka Benishangul Gumus oo caan ku ah khayraadka dabiiciga ah, macdanta, iyo dhul barwaaqo ah. Dhamaadka maanta, tirada dhirta aan ku beeraynay guud ahaan dalkeenna shantii sano ee u dambeeyay waxay gaadhi doontaa 40 bilyan. 50% dhirtii la beeray sanadkii hore ayaa loo beeray si ay uga qayb qaadato sugnaanta cuntada, ilaalinta ciidda iyo Ka hortaga xaalufka dhulka. Marka xigta, waa in aan taageernaa hawlaha ilaalinta biyaha innagoo dhir ku beerayna meelaha ay ka midka yihiin webiga Niil – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Barnaamijka Dhir beerista Halka maalinta waa Raad u reebi lahayn jiilka Soo socda - Gedhiyoon Timotiyos (Dr.)
Aug 23, 2024 219
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 17/2016 (ENA):Barnaamijka Dhir beerista Halka maalin waa maalinta aan Raad u reebi lahayn jiilka Soo socda ayuu yidhi wasiirka cadaalada Gidhiyoon Timotiyoos (Dr.). Wasiirka Cadaalada, ayaa ku Sugan Xaafadda Lemi Kura Halka as Oo uu kala qayb qaadanayo arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, Halka as Oo ay dhir beerista barnaamijka Raadka Caggaaran Ka fulinayaan. Waxa kale oo uu sheegay in natiijada ka dhalata iskaashiga iyo ka shaqaynta danta dalka iyo jiilashaba ay tahay mid qurux badan. Arintaan ayaa dad badan ay sheegeen in barnaamijka Raadka Caggaaran eeHal-maalin uu yahay mid muujinaaya dadaalka loogu jiro in looga shaqeeyo danta dalka iyo jiilasha. Wasiirku waxa uu ku baaqay in wada shaqaynta noocan oo kale ah iyo ujeedada guud lagu xoojiyo hawlaha kale.
Liiga Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa ka qaybqaadanaya barnaamijka dhir-beerista
Aug 23, 2024 227
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Liiga haweenka Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa ka qaybqaadanaya barnaamijka dhir-beerista ee guud ahaan dalka ka socota. Barnaamijkan ayaa waxaa maanta kaliya lagu beeri doonaa 600 oo milyan oo geed guud ahaan dalka.