Shirweynaha 69-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika oo Lagu Qabanayo Addis Ababa Todobaadka Soo Socda - ENA Af-Soomaali
Shirweynaha 69-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika oo Lagu Qabanayo Addis Ababa Todobaadka Soo Socda
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 7, 2017 (ENA) – Shirweynaha 69-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika (GHACOF 69) ayaa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa maalmaha Dharrabley/Tir 12 iyo 13, 2017 T.I.
Shirkan ayaa lagu qaban doonaa hal-ku-dhigga, “Adeegyada saadaasha Cimilada,Wadajir u Buuxinta godaloolada Digniinta Hore.”
Waxaa la shaaciyay in Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Urur-goboleedka IGAD (ICPAC), oo kaashanaysa hay’adaha horumarinta, ayaa soo qabanqaabisay shirkan.
Sida ku cad bayaan ka soo baxay IGAD ee looso diray ENA, shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa saadaasha rasmiga ah ee xilliyeedka cimilada ee Geeska Afrika, taas oo lagu eegi doonta muddada u dhaxaysa march ilaa May 2025.
Bayaanku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale diiradda la saari doono qiimaynta saadaasha cimilada ee xilli-ciyaareedka laga soo gudbay, ee u dhexeeyay Oktoobar ilaa Disembar 2024.
Sidoo kale, shirkan ayaa lagu falanqeyn doonaa istiraatiijiyadaha la hirgeliyay iyo natiijooyinka laga gaaray dhisidda adkaysiga cimilada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Shirweynahan waxaa la filayaa inuu noqdo madal ay isugu yimaadaan khubaro, sameeyayaasha siyaasadda, hay’adaha horumarinta, iyo daneeyayaasha ku shaqada leh arrimaha cimilada.
Ka hor shirweynaha , IGAD ayaa ku dhawaaqday in sidoo kale la qaban doono dood-cilmiyeedyo ku saabsan saadaasha cimilada iyo nuglaanta bulshooyinka.
Waxaa xusid mudan in Shirweynihii 68-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika lagu qabtay magaalada Nairobi, Kenya, sanadkii 2024.