Ciyaaraha - ENA Af-Soomaali
Ciyaaraha
Orodyahan Taamirat Toola iyo orodyahan Simbo Alamaayahu ayaa loo doortay orodyahanada ugu wanaagsan sannadkan
Dec 2, 2024 162
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 23/2017T.I.(ENA): Orodyahan Taamiraat Toola ayaa ku guuleystay abaalmarinta orodyahanada ugu wanaagsan ee tartamada waddooyinka sannadkan, isagoo ka soo muuqday tartamo caalami ah oo uu guulo kasoo hoyiyay. Orodyahan Taamirat ayaa sidoo kale lagu xusuusan karaa inuu sannadkan olambikada Paris ku guuleystay billadda dahabka ah, isagoo u keenay dalkiisa guusha ugu saraysay ee tartankaas. Dhanka kale, orodyahan Simbo Alamaayahu ayaa ku guuleysatay abaalmarinta orodyahannada da'da yar ee ugu wanaagsan sannadkan, sida ay shaacisay xogta caalamiga ah ee cayaaraha fudud. Orodyahan Simbo oo matalaysay dalkeeda ayaa tartamada 3,000 mitir kaqaybgashay, iyadoo ka qeybgashay Koobka Adduunka ee ciyaaraha Budhabest iyo ciyaaraha Olambikada ee Paris, natiijooyin heer sare ahna ay kasoo hoyisay. Orodyahannnada ugu wanaagsan tartamada waddooyinka ee dhanka dumarka waxaa iyana ku guulaysatay Sifan Xasan oo u oroda dalka Netherlands.
Warqwuha Geetaajaw ayaa ku guuleysatay billadda dahabka ee Tartanka 2aad ee Ciyaaraha Ciidamada Afrika
Nov 28, 2024 165
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 19/2017T.I.(ENA): Warqwuha Geetaajaw, oo ka tirsan ciidanka difaaca Itoobiya, ayaa ku guuleysatay billadda dahabka ee tartanka 3,000 mitir ee orodka ee Tartanka 2aad ee Ciyaaraha Ciidamada Afrika , kaasoo ka dhacay magaalada Abuuja ee dalka Nigeria. Guushan waxay u noqotay billaddii labaad ee dahab ah oo ay shaqsiyan ku guuleysato, halka sidoo kale ciidanka difaaca Itoobiya ay markii lixaad ay ku guulaysteen tartankan. Tartanka 3,000 mitir, oo ahaa mid aad u adag, ayay Ba'alamlaay Shumat kusoo bandhigtay qaab ciyaareed heer sare ah, iyadoo kaalinta labaad ka gashay tartanka. Inta lagu jiro tartanka ciyaaraha, kooxda ciyaaraha ee ciidanka difaaca Itoobiya waxay ku guuleysteen 6 billadood oo dahab ah, 7 billadood oo bir ah, iyo 2 billadood oo naxaas ah, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 15 billadood, sida ay xaqiijiyeen wararka kasoo baxay ciidanka difaaca Itoobiya.
Itoobiyaanku waxay leeyihiin soodhawayn la yaab leh oo quluubta dadka ku jiri karta - Madaxweynaha CAF Batris Motsebe (Dr.)
Oct 23, 2024 373
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 13/2016T.I.(ENA): Itoobiyaanku waxay leeyihiin soodhawayn la yaab leh oo ku jiri karta quluubta dadka, ayuu yiri Batris Motsebe (Dr.), madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika (CAF). Madaxweynaha ayaa xalay lagu sii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ew Bole. Wasiirka Dhaqanka iyo Isboortiga Shawiit Shaankaa iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya Isaayaas Jira ayaa sagootiyay Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta iyo martiqaadka ay u samaysay dawladda Itoobiya. Intii aan Adis-ababa joogay waxa aan arkay in Itoobiyaanku ay leeyihiin dhaqan aad u qurux badan, marti-soor iyo ixtiraam badan. Sida ay sheegayso xogta aan kahelayno Wasaarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha, Madaxweynaha ayaa u yimid qabashada shirweynaha 46-aad ee CAF, waxaana uu shaaca ka qaaday in si wanaagsan uu kusoo dhamaaday shirka.
Giyanni Infantino, oo ah madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa la sagootiyay
Oct 22, 2024 373
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 12/2016T.I.(ENA): Giyanni Infantino oo ah gudoomiyaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa laga sagootiyay garoonka caalamiga ah ee Bole. Waxaa la og yahay in madaxweynaha FIFA Giyaanni Infantino uu shalay soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirweynaha 46-aad ee caadiga ah ee xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF).
Shirweynihii 46-aad ee CAF oo lagu qabanayo dalka Itoobiya waxa uu dib u soo noolayn u samayn doonaa kubbadda cagta dalkeena
Oct 22, 2024 289
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 12/2016T.I.(ENA): Xidigaha kubbada cagta aduunka ee Africa ayaa iyaguna shirkan ku sugan magaaladeena. Waxaan si kal iyo laab ah u rajaynaynaa in shirku ku dhamaado guul”. - Ra'iisul Wasaare ku xigeen Tamasgan Tirunah
Madaxweynaha FIFA Giyanni Infantino ayaa soo gaaray Addis Ababa
Oct 22, 2024 300
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Madaxweynaha FIFA Giyanni Infantino ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirweynaha 46-aad ee xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Bole, waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gadhiyoon Timootiyoos, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika Batris Motsebe (Dr.) iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya Isaayaas Jira.
Xoghayaha guud ee FIFA iyo Madaxweyne ku xigeenka CAF ayaa soo gaaray Addis Ababa
Oct 21, 2024 164
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Xoghayaha guud ee FIFA Laars Nils Matiyaas Girafistroom iyo Madaxweyne ku xigeenka saddexaad ee CAF Suleymaan Waaberi ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si ay uga qeybgalaan shirweynaha 46-aad ee CAF. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Xuriya Cali, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo agaasimaha guud ee habmaamuuska ee wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Malaaku, ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Bole, sida ay sheegayso xogta aan ka helnay wasaaradda arrimaha dibadda.
Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa Marwo Adhaanej Abebe ayaa munaasabad soo dhawayn ah ugu sameeysay madxafka xuska guushAdwa madaxwaynaha ururka CAF
Oct 21, 2024 169
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 11/2016T.I.(ENA): Duqa Maamulka Magaalada Addis Ababa Marwo Adhaanej Abebe ayaa ku soo dhaweeysay madxafka xuska guusha Adwa Madaxweynaha CAF Baatris Motsebe oo Addis Ababa u joogay ka qayb galka shirwaynaha 46-aad ee xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF. Xogta laga helay xafiiska duqa magaalada ayaa tibaaxaysa in Batris Motsebe iyo ka qayb galayaasha shirka ay booqdeen madxafka xuska guusha Adwa. Ugu dambayntii, waxaa soo dhawaynta iyo booqashadaba goobjoog ka ahaa Marwo Adhaanej Abebe iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiiro heer federaal ah.
Waxaa socda shirweynihii caadiga ahaa ee xidhiidhka kubbadda cagta Itoobiya
Oct 8, 2024 268
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram, 28/2016T.I.(ENA): Waxaa Hoolka Midowga Afrika ka furmay Shirweynihii 16-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya. Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya Isaayaas Jiraa iyo Wasiiru Dawlaha Dhaqanka iyo Ciyaaraha Danjire Masfin Jarinat ayaa madasha khudbado kasoo jeediyay. Sida ay sheegayso xogta aan kahelayno Xidhiidhka Kubbadda Cagta, waxaa la soo bandhigayaa lagana doodayaa warbixintii waxqabadkii 2016-ka, kadib markii la soo xulay shaqsiyaadkii qaban lahaa shirka codkana tirin lahaa.
Ururka feerka Afrika ayaa xaruntiisa guud ka furay dalka Itoobiya
Aug 17, 2024 693
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 11/2016T.I.(ENA): Ururka feerka Afrika ayaa maanta xariga ka jaray xaruntiisa guud ee Itoobiya ee seerada dalxiis ee Midnimo. Xafladda xadhigjarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha Shawit Shaanka, madaxweynaha xiriirka Afrika Iyaasu Wasan iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha sare ee xiriirka. Sidoo kale, wasiiraddu waxay khudbadeeda ku sheegtay in furitaanka xafiiska guud ee ururka feerka Afrika ee Itoobiya uu faa’iido weyn u leeyahay arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Ugu dambayntii waxay sheegtay in marka laga soo tago ka qeyb qaadashada horumarinta feerka ay sidoo kale muhiim tahay ka qeyb qaadashada shaqo abuurka.
12 sano ka dib, Itoobiya waxay ku guulaysatay bilad maarta ah iyadoo ay heshay orodyahannad Ababa Aragaawi
Aug 13, 2024 661
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 07/2016T.I.(ENA): Orodyahanad Ababa Argaawi oo orodka 1,500 mitir ku matalaysay dalka Itoobiya ciyaarihii Olombikada 2012 ee London, ayaa ku guulaysatay biladdeeda maarta ah 12 sano kadib. Orodyahannada ayaa ku dhameystay tartanka kaalinta 5-aad ee orodka 1,500m ee haweenka ee lagu qabtay London 12 sano ka hor. Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoydii kale ee ka qaybgashay natiijada tartanka ayaa guddiga Olombikada caalamiga ah uu buriyay natiijadoodii sababo kala duwan awgood. Intaa ka dib, Orodyahannad Ababa oo xilligaas ku dhameysatay kaalinta 5-aad ayaa 12-sano kadib heshay bilada maarta ah ee ay dalkeeda u keentay, iyadoo gashay kaalinta saddexaad ee tartanka orodka 1,500m ee haweenka ee olombikadii 2012kii London. Ugu dambayntii xogta aan ka helnay Wasaarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha ee JDFI ayaa sheegaysa in Orodyahannada ay billadda ku gudoontay Xafladdii xiritaanka Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris ee sanadkan.
Waxaa la tilmaamay in dowladdu ay si adag ula socon doonto dhismaha garoonka qaranka
Aug 13, 2024 644
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 6/2016 (ENA):- Waxaa la shaaciyey in xukuumaddu ay si adag ula socon doonto qaabka uu u socdo dhismaha Garoonka Qaranka ee(Adhey Ababa Stadium). Wasiirka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Arrimaha Kaabineedka Alemsahay Paulos iyo Wasiirka Dhaqanka iyo Isboortiga Shewit Shanka ayaa kala hadlay xaalada guud ee garoonka, qandaraaslayaasha dhismaha, la taliyayaashaiyo khubarda. Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dhismaha wajiga 1-aad ee garoonka iyo waxqabadka wajigii labaad ee howlaha guud. Xogta ay ENA ka heshay Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha ayaa lagu sheegay in la isla meel dhigay in wejiga koowaad la sii xoojiyo, wajiga labaadna ay qabtaan Qandaraaslayaal wadani ah. Waxaa la tilmaamay in dowladdu ay jiho ka bixin doonto howlaha dhismaha ee u baahan lacagaha qalaad, waxaana la tilmaamay in si dhow loola socon doono mashruucan. Sidoo kale, masuuliyiinta labada hay’adood waxay kaloo booqdeen hannaanka dhismaha garoonka.
Halyeyga Orodyahanka ah ee Taamraat Tolaa ayaa u mahadceliyey Orodyahan Siisaay Lamaa
Aug 13, 2024 566
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 07/2016T.I.(ENA): Taamraat Tolaa oo ah halyeygii ku guulaystay bilada dahabka ah ee orodka marathon-ka ee raga ee ciyaarihii olombikada Paris 2024, ayaa u mahad celiyay Orodyahan Siisaay Lamaa oo u ogolaaday inuu ka qayb galo tartanka. Tamrat Tola waxa uu sidaasi ka sheegay madashii lagu soo dhawaynayay waftigii iyo orodyahannadii Itoobiya ee ku guulaystay kana qayb gashay ciyaarihii Olombikada Paris markii ay saaka soo gaadheen magaalada Addis Ababa. "Orodyahan Siisaay Lamaa waa walaalkay! Waxaan wada soconay ilaa iyo Addis Ababa. Orodyahanka ayaa sheegay inaysan xaaladiisu caafimaad fiicnayn. Waxaan uga mahadcelinayaa fursadda uu ii siiyey inaan ciyaaro, isagoo tilmaamay inaysan ahayn inuu qarsado xanuunkiisa oo uu ordo” ayuu yiri Orodyahan Taamraat Tolaa. Ugu dambayntii Ciyaaraha Olombikada Paris ee 33-aad ee sanadkan 2024, Itoobiya waxay aruursatay 4 biladood oo kala ah 1 Dahab ah iyo 3 qalin ah, waxayna ku dhameysatay ciyaarta kaalinta 47-aad ee adduunka iyo kaalinta 4-aad ee qaarada Afrika.
Waxaa la soo dhaweynayaa orodyahannadii ka qeybgashay ciyaarihii Olombikada Paris
Aug 13, 2024 253
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 07/2016T.I.(ENA): Orodyannadii iyo wafdigii ka qeyb galay ciyaarihii Olombikada Paris ayaa lagu soo dhaweynayaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Boole. Sida la wada ogsoon yahay dalka Itoobiya ayaa ku dhameystay tartankii Olombikada Paris iyadoo kaalinta 47-aad kaga jirta caalamka iyadoona heshay hal dahab iyo saddex billadood oo qalin ah.
Ra'iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa hambalyo ku aadan guusha dahabka ee orodka soo dhigay bartiisa baraha bulshada
Aug 10, 2024 243
Ciyaarihii Olombikada ee Paris 2024, Orodyahanka Halyeyga ah ee Taamrat Tolaa ayaa markale kor u qaaday sharafta calankeena, isagoo ku guuleystey dahab ciyaartan maratoonka. Hambalyo!- Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Orodyahanka Tamrat Tola ayaa ku guuleystay biladii ugu horeysay ee dahabka Olambijadada ee Paris
Aug 10, 2024 261
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 04/2016T.I.(ENA): Orodyahann Tamrat Tola ayaa ku guulaystay bilada dahabka ah ee Itoobiya markii ugu horaysay ee orodka marathon-ka ee ragga ee ciyaartii 33-aad ee Olombikada ka dhacaya Paris. Tamrat ayaa jabiyay rikoorka Olombikada isagoo orday 2 saac 6 daqiiqo iyo 26 ilbiriqsi. Orodyahanka Dharesa Geleta ayaa ku dhameystay kaalinta shanaad halka uu kaalinta 39-aad galay ruug cadaaga weyn ee Qananiisaa Baqala.
Isreeb-reebka 5,000m, waxaa finalka u gudbay Xaagos Gabrahiywat, Adhisu Yihunena iyo Biniyaam Mahari
Aug 7, 2024 268
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 01/2016T.I.(ENA): Ciyaaraha Olombikada ee 33-aad, waxaa tartanks 5,000 ee mitir ee ragga finalka u gudbay orodka Orodyahannada kala ah Xaagos Gabrahiywat, Adhisu Yihunena iyo Biniyaam Mahari. Ciyaarta kama dambaysta ah ayaa waxaa la qaban doonaa Sabtida 4ta Naaf/Nahaase 2016T.I, saacadu markay tahay 2.50 (8:50) fiidnimo.
Itoobiya ayaa ka qayb gali doonta tartanka orodka 3000m ee tartanka ragga oo maanta dhici doona
Aug 7, 2024 296
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 01/2016T.I.(ENA): Orodka 3000m ee ragga ayaa maanta la qaban doonaa, waxaana ka qeyb galaya Orodyahanada u dhashay dalka Itoobiya ee Lamejaa Girmaa, Getinat Waale iyo Samu'eel Firew. Tartankun waxa uu bilaaban doona 4:43 (10:43) fiidnimo.
Waxa la saxeexay heshiiska qandaraaska dhismaha wajiga 2aad ee Garoonka Ciyaaraha ee Qaranka
Aug 6, 2024 245
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 30/2016T.I.(ENA): Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha iyo Shirkadda Dhismaha ee Shiinaha ayaa kala saxeexday qandaraas lagu dhisayo wajiga Labaad ee qaybta 1aad ee garoonka weyn ee ciyaaraha Qaranka. Xogta ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in heshiiskan ay ka mid yihiin qabashada shaqooyinka qaybta madaniga ah, Baarkinka baabuurta, waddooyinka, rakibaada kuraasta garoonka, qaybta korontada iyo dhismaha qaybta dhulka. Ugu dambayntii waxaa la tilmaamay in shaqooyinka kale ee aan u baahnayn lacagta qalaad lagu fulin doono miisaaniyada dalka, dhawaana la guda geli doono shaacinta qandaraasyada iyo bilaabida shaqada.
Isreeb-reebka 1500 mitir, Orodyahannad Gudhaaf Tsegaaye iyo Orodyahannad Dharbe Waltaji ayaa u soo baxay Semi Final-ka.
Aug 6, 2024 240
Addis Ababa, Afagaal/Hamle, 30/2016T.I.(ENA): Ciyaaraha Olombikada ee 33-aad, wareegii koowaad ee isreeb-reebka 1500m ee haweenka, waxaa si toos ah ugu soo baxay semi-finalka tartanka orodyahannad Gudhaaf Tsegaaye iyo orodyahannad Dharbe Waltaji. Orodyahanka Birqe Haylom ayaa mar kale u tartami doona semi-finalka wareegga labaad ee isreebreebka (Repechage Round) oo berri dhici doona. Ugu dambayntii Semi Final-ka ayaa laqaban doonaa maalinta Khamiista ah ee bishu tahay Naaf 2, 2016 saacadu markay tahay 2:35 (8:35PM).