Ururka feerka Afrika ayaa xaruntiisa guud ka furay dalka Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Ururka feerka Afrika ayaa xaruntiisa guud ka furay dalka Itoobiya
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 11/2016T.I.(ENA): Ururka feerka Afrika ayaa maanta xariga ka jaray xaruntiisa guud ee Itoobiya ee seerada dalxiis ee Midnimo.
Xafladda xadhigjarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha Shawit Shaanka, madaxweynaha xiriirka Afrika Iyaasu Wasan iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha sare ee xiriirka.
Sidoo kale, wasiiraddu waxay khudbadeeda ku sheegtay in furitaanka xafiiska guud ee ururka feerka Afrika ee Itoobiya uu faa’iido weyn u leeyahay arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalahaba.
Ugu dambayntii waxay sheegtay in marka laga soo tago ka qeyb qaadashada horumarinta feerka ay sidoo kale muhiim tahay ka qeyb qaadashada shaqo abuurka.