Arrimaha Bulshada
Baasaboorka Cusub ee casriga ah ee E-Baasaboor
Feb 22, 2025 13
👉 Baasaboorkii hore wuxuu sii shaqayn doonaa ilaa uu ka dhaco muddadiisa adeegga. 👉 Marka la gaaro waqtiga cusboonaysiinta, waxaa loogu beddeli doonaa E-Baasaboor. 👉 Dadka da’doodu ka weyn tahay 25 sano, muddada adeegga baasaboorku waa 10 sano. 👉 14 xafiis oo cusub ayaa la furay si loo ballaariyo adeegga. 👉 In ka badan 5 milyan oo E-Baasaboor ah ayaa la daabacay oo diyaarsan. 👉 Waxaa suuragal ah in la cusboonaysiiyo in ka badan 10 dukumenti oo hawlaha safarka ah, marka laga soo tago baasaboorka. 👉 Baasaboorka cusub ee E-Baasaboor wuxuu noqon doonaa mid la awoodi karo marka loo eego qiimihii hore. 👉 Tan iyo markii dib-u-habaynta la bilaabay, hay’addu waxay si joogto ah uga shaqaynaysay casriyeynta dukumentiyada safarka. 👉 Waddanku wuxuu faa'iido weyn ka helayaa hoos u dhigista lacagta qalaad ee lagu bixin jiray daabacaadda baasaboorka ee dibadda. 👉 Tiknoolajiyadii hore ee la isticmaalayey waxay shaqaynaysay 20-kii sano ee la soo dhaafay. 👉 In tiknoolajiyadan cusub lagu dhiso gudaha waddanka waa guul weyn. 👉 Tiknoolajiyadan cusub waxay dardar gelinaysaa helitaanka baasaboorka, si degdeg ah oo fudud. 👉 Waxay gebi ahaanba meesha ka saaraysaa khataraha amni ee hore u jiray. Baasaboorka cusub ee E-Baasaboor waa dukumenti safar oo heerkiisu sareeyo, laguna dhisay tiknoolajiyadii ugu dambeysay ee caalami ah, taas oo ka dhigaysa baasaboorka Itoobiya mid casri ah oo la jaanqaadaya heerarka adduunka. Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya
Muslimiintu waa inay bisha barakaysan ee Ramadaanka ku gutaan is-caawinta iyo is-Taageerida - Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa
Feb 22, 2025 10
Addis Ababa, Cirir/yekatit 15, 2017 (ENA) – Madaxweynaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, ayaa sheegay in Muslimiintu ay si wadajir ah oo is-caawin iyo si ay is-taageeridi ku dhisan u gutaan soonka bisha barakaysan ee Ramadaanka. Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, oo ka hadlayey munaasabadda soo dhaweynta bisha Ramadaan ee sanadka 1446 Hijriya, ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay bilaaban doonto toddobaad kadib. Wuxuuna Muslimiinta ugu hambalyeeyay bisha barakaysan ee Ramadaanka. Sheekhu wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in inta lagu jiro bisha soonka in la isku naxariisto, la is cafiyo, lana xoojiyo midnimada bulshada. Sidoo kale, wuxuu xusay in loo baahan yahay in si gaar ah loo garab istaago dadka ku sugan xaaladaha adag ama dhibaatooyinka kala duwan ee dhibaataysan.   Dhanka kale, Ustaad Abuubakar Axmed ayaa isaguna sheegay in bisha Ramadaanka ay tahay fursad lagu adkeeyo nabadda laguna xoojiyo wadajirka bulshada. Sheekhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay bulshada Muslimiinta inay ka qayb qaataan taageerada dadka baahan inta lagu jiro bisha Ramadaanka, iyadoo qof walba uu ku caawin karo sida uu awoodo. Sidoo kale, waxaa lagu dhawaaqay in bisha Ramadaanka ee sanadkan la qaban doono tartanka qaran ee xifdiga Qur’aanka Kariimka, iyadoo la raacayo hal-ku-dhigga “Qur’aanka waa isha aqoonta iyo nabadda,” taas oo bisha Ramadaanka sanadkan ka dhigaysa mid gaar ah. #Ethiopian_News_Agency ENA #Ethiopia
Si loo xaqiijiyo barwaaqada Afrika, waa lama huraan in si go’aan leh looga shaqeeyo cadaaladda, tayada waxbarashada, iyo helitaankeeda
Feb 16, 2025 41
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 9/2017 (ENA): Si loo xaqiijiyo barwaaqada Afrika, muhiim ayey tahay in si go’aan leh looga shaqeeyo cadaaladda, tayada waxbarashada, iyo helitaankeeda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Mauritania, Dr. Maxamed Saalax. Shir lagaga hadlayey tayada waxbarashada, horumarinta xirfadaha, maalgelinta waxbarashada, iyo suurtagalnimada in la helo waxbarasho tayo leh oo la awoodi karo, ayaa la qabtay. Intii lagu guda jiray shirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mauritania, Dr. Maxamed Saalax, ayaa sheegay in caqabadaha ka jira tayada iyo helitaanka waxbarashada ay sabab u yihiin carruur badan oo ka haraya waxbarashada. Sidoo kale, wuxuu xusay in si loo xaqiijiyo danta carruurta iyo muwaadiniinta Afrika, loo baahan yahay in la dhiso nidaam waxbarasho tayo sare leh. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in waxbarashada ay tahay saldhigga horumarka qaranka, isla markaana, si loo gaaro himilooyinka Afrika ee ku cad Ajendaha 2063, ay lagama maarmaan tahay in wadamada Afrika iska kaashadaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo helitaanka waxbarashada. Guddoomiyaha Waxbarashada, Sayniska, Teknolojiyadda, iyo Hal-abuurka ee Midowga Afrika, Brofessor Maxamed Belhoseni, ayaa dhinaciisa xusay in aqoonta, hal-abuurka, iyo xirfadaha tayaysan ay lagama maarmaan u yihiin horumarka Afrika. Wuxuu ugu baaqay dalalka Afrika inay xoogga saaraan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada si loo gaaro yoolalka horumarineed ee la hiigsanayo. Ilaa hadda, dadaallo kala duwan ayaa laga sameeyey hagaajinta tayada waxbarashada ee Afrika, balse waxaa la sheegay in loo baahan yahay dadaal dheeraad ah si loo xaqiijiyo isbeddel waara. Agaasimaha UNICEF ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Itelefa Kadili, ayaa xusay in dadaalka lagu hagaajinayo waxbarashada uu u baahan yahay sii wadis joogto ah iyo wada shaqayn dhow oo ay yeeshaan dowladaha, hay’adaha maxalliga ah, iyo bulshada. Waxa uu UNICEF xaqiijiyey in ay sii xoojin doonaan taageeradooda ku aaddan horumarinta waxbarashada carruurta Afrika si loo xaqiijiyo waxbarasho tayo leh oo la heli karo. Shirweynaha 38-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo shalay ka furmay xarunta guud ee ururka, ayaa maanta sii soconaya, waxaana diiradda lagu saarayaa mawduuca "Cadaaladda iyo Horumarka Afrikaanka". #ShirkaMidowgaAfrika #Ethiopian_News_Agency #Diblomaasiyadda #AU_Summit #ENA #Itoobiya
Suuqyada Axadda ee tooska ah ee isku xiraya beeralayda iyo Macaamiisha ayaa sii fidaya – Dr. Kassahun Gofe
Feb 15, 2025 43
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 8/2017 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Xidhiidhka Gobolka ee Itoobiya ayaa sheegtay in dadaallada lagu horumarinayo suuqyada Axadda ee tooska u xiriiriya wax-soo-saareyaasha iyo macaamiisha ay guulo la taaban karo ka gaareen. Wasiirka Ganacsiga iyo Xidhiidhka Gobolka, Dr. Kassahun Gofe, ayaa booqday suuqyada iyo xarumaha ganacsiga ee magaalada Butajira ee deegaanka bartamaha Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmay ganacsatada iyo macaamiisha ka faa'iidaysanaya nidaamkan cusub. Wasiirku wuxuu xusay in in ka badan 1,213 suuqyada Axadda ah laga hirgeliyay goobo kala duwan oo dalka ah, taas oo fududeysay in badeecadaha lagu kala iibsado qiimo macquul ah. Isaga oo arrinta sii faahfaahinaya, wuxuu sheegay in nidaamkan uu gacan ka geysanayo yareynta farqiga u dhexeeya wax-soo-saareyaasha iyo macaamiisha, taas oo sahleysa in la helo badeecado qiime jaban ah.   Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in suuqyada si rasmi ah loo xoojiyo, si looga hortago sare u kaca sicirka badeecadaha, wuxuuna Wasiirku xaqiijiyay in dadaalkaasi sii socon doono. Dhanka kale, Madaxa Xafiiska Horumarinta Ganacsiga iyo Suuqyada ee Deegaanka Bartamaha Itoobiya, Daniyeel Dhamtew, ayaa sheegay in qorshayaasha qaran ee wax lagaga qabanayo sicir-bararka la hirgeliyay, isla markaana natiijo wanaagsan laga gaaray. Waxaa la sheegay in 134 suuqyada Axadda ah oo laga dhisay deegaanka ay si aan kala go’ lahayn u shaqeynayaan, taas oo gacan ka geysaneysa la dagaallanka sare u kaca qiimaha badeecadaha. Mas’uuliyiinta ka kala socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Xidhiidhka Gobolka, deegaannada iyo xafiisyada horumarinta suuqyada ayaa ka qeyb galay kormeerka la sameeyay. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #SuuqyadaAxadda
Taageerada lagu xoojinayo dib-u-habaynta nidaamka cuntada ee Afrika ayaa sii socon doonta – Agaasimaha Guud ee FAO, Qu Dongyu
Feb 14, 2025 31
Addis Ababa, Febraayo 14, 2025 (ENA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Qu Dongyu, ayaa sheegay in taageerada lagu horumarinayo nidaamka cuntada ee Afrika la xoojin doono si looga jawaabo caqabadaha jira. Shir looga hadlayay arrimaha caafimaadka, horumarka bulshada, iyo xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika ayaa lagu qabtay Addis Ababa, iyadoo hal-ku-dhaggiisu ahaa "Siyaasadda ilaa ficil: Iskaashi wadajir ah si wax looga qabto cunto yarida Afrika." Shirkan waxaa ka qayb galay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Itoobiya, Dhamaqa Makonnen, madaxda dalalka Afrika, mas'uuliyiin ka socda hay’adaha caalamiga ah, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, iyo Wasiirka Caafimaadka Itoobiya, Dr. Maqdhas Dhaaba. Agaasimaha FAO, Qu Dongyu, ayaa sheegay in caalamku wajahayo caqabado waaweyn oo la xiriira sugnaanta cuntada iyo nidaamka sahayda cuntada oo aan hagaagsanayn. Wuxuu xusay in Afrika ay si gaar ah u saameeyeen caqabadaha sugnaanta cuntada, taasoo caqabad ku ah horumarka waara ee qaaradda. Sidaas darteed, wuxuu carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo wax soo saarka beeraha si loo helo nidaam cunto oo waara, iyadoo FAO ay si buuxda u garab taagan tahay dadaalladan. Ra’iisul Wasaaraha Lesotho, Sam Matekane, oo isna ka hadlay shirka, ayaa xusay in nidaamka cuntada ee liita uu si toos ah u saameeyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ee Afrika. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Nina Nwabufo, ayaa sheegtay in bangigu uu kor loo qaadayo taageerada dhaqaale ee lagu horumarinayo nidaamka cuntada ee Afrika. Ugu dambayn, shirka ayaa lagu xusay dadaallada ay Itoobiya waddo si ay u gaarto sugnaanta cuntada iyo horumarinta nidaamka sahayda cuntada. Waxaa la ballan qaaday in la xoojin doono taageerada lagu kobcinayo wax soo saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada ee Afrika. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #FAO
Waxaa la ansixiyay xeerka nidaamka diiwaangelinta Rayidka iyo qoyska
Feb 7, 2025 46
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 29, 2017 (ENA) — Golaha wakiillada ayaa ansixiyay Xeerka Nidaamka Diwaangelinta Rayidka ah iyo Qoyska. Golaha ayaa yeeshay kalfadhigii 18-aad ee caadiga ahaa sanadkii 4-aad. Golaha oo ka dhegaystay warbixintii iyo soo jeedintii guddiga joogtada ah ee xidhiidhka arrimaha dibadda iyo nabada ee la xidhiidha xeerka ee lagu go’aaminayo nidaamka diiwaangelinta rayidka iyo qoyska. Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Dima Nego (Dr.), ayaa sheegay in diiwaangelinta Rayidka iyo qoyska ay fududayn doonto adeegyada dawladda, isla markaana ay fududayn karto xogta marxaladah muhiimka ah ee muwaadiniinta. Waxa kale oo uu tilmaamay in marxaladaha muhiimka ah iyo diiwaangelinta qoyska ee sida saxda ah loo diiwaan geliyo ay door muhiim aah ka qaataan sidii muwaadiniinta looga faa’iidayn lahaa in la gaadho qorshayaasha horumarineed oo bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed. waxa uu xusay in bayaanka Diiwangelinta rayidka ah iyo Qoyska uu u ogolaanayo dadka Ajaanibka ah ee Itoobiya soo degay inay is-diiwaangeliyaan oo helaan deganaansho amni ah. Waxa uu sheegay in wareegtadan ay fursad u siin doonto hay’adaha ay khuseyso in ay ku shaqeeyaan isku xirka awoodaha iyo waajibaadka sharcigu siinayo. Agaasimaha Guud ee Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda, Salaamawit Dawit, ayaa sheegtay in iyadoo horey xeerka jira uu ahaa mid aan si habsami leh u hirgelin nidaamka diiwaangelinta rayidka ah, taasi oo caqabado ku abuurtay arrimaha socdaalka, bulshada, iyo dhaqaalaha. Waxay intaas ku dartay in waddamada kale ee nidaamka diiwaangelinta rayidka ah iyo tan qoyska ay si xooggan u hirgeliyeen oo ay ku guuleysteen in adeegyada si degdeg ah oo hufan loo qabto. Salaamawit waxay carrabka ku adkeysay in diiwaangelinta marxaladaha muhiimka ah sida dhalashada iyo guurka ay lagama maarmaan u tahay diyaarinta siyaasadaha horumarinta dalka iyo qaadashada go'aamada muhiimka ah. Xeerka cusub ayaa sidoo kale la sheegay in uu horseedi doono in dhammaan gobollada dalka ay isticmaalaan tiknoolojiyada casriga ah si loo fududeeyo loona hagaajiyo nidaamka diiwaangelinta rayidka ah iyo tan qoyska.
Warbaahinta diintu waa in ay xoogga saarto xoojinta nabadda iyo wadajirka waarta ee Itoobiya: Wasiirka nabada Maxamad Idris
Feb 7, 2025 53
  Addis Ababa, Dharrabley/Tir 29, 2017 (ENA):- Wasiirka Nabadda, Mohammad Adris, ayaa sheegay in warbaahinta diintu ay ku dadaalaan sidii ay u xoojin lahaayeen nabadda, isu dulqaadashada iyo wadajirka Itoobiya.   Wasaaradda Nabadda oo kaashanaysa Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha nabadda la yeelatay mas’uuliyiin ka tirsan warbaahinta diinta iyo khubarada.   Wasiirka Nabada Mohaammad Idiris, oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay jirto warbaahin badan oo dhanka diimaha ah dalka. Waxa uu tilmaamay in shaqada dhismaha jiilka soo socda ay tahay mid dalka lagu dhisayo, isagoo sheegay in warbaahinta diinta ay xil weyn ka saaran tahay dhismaha dalka. wada uu sheegay in saxaafaddu ay tusaale u noqoto xoojinta nabadda, isu dulqaadashada iyo wadajirka Itoobiya. Waxa uu tilmaamay in waxyaabaha ay ku qoran yihiin warbaahin kasta oo diineed ay muhiimad gaar ah siiso wadajirka iyo in la ixtiraamo caqiidada dadka kale. Maadaama caqiidada dhammaan diimuhu ay tahay nabadda, waa inay lahaadaan barnaamij joogto ah oo ku saabsan nabadda, ayuu yiri wasiirku. Jonathan Tesfaye oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda warbaahinta ayaa sheegay in wareegtada cusub ee warbaahinta ay sahashay in warbaahinta diintu ay yeelato aqoonsi sharci ah. Waxa uu tilmaamay in shaqo balaadhan laga qabtay diiwaan gelinta iyo aqoonsiga hay’adahan warbaahineed sanadihii lasoo dhaafay. Sidoo kale waxa uu xusay in madashan ay tahay goob laga sameeyo wacyigelin ku aadan arrimaha suurtagelinaya in laga wada shaqeeyo horumarinta nabadda iyo wadajirka dalka. Waxaa la filayaa in madasha lagu soo bandhigo lagana doodo qodobo horudhac ah oo diiradda lagu saaray nabada. Mas’uuliyiin sarsare iyo khubaro ka tirsan Wasaaradda Nabadda, maamulka warbaahinta, iyo warbaahinta diinta ayaa madasha kasoo qayb galay.
Aqoonsiga Qaranka ee Faaiidada waxtarkiisu waa xaqiijinta xuquuqda  muwaadiniinta iyo dhawrista  danaha  Itoobiya
Feb 7, 2025 69
Wakaalada Wararka Itoobiya iyo Barnaamijka Aqoonsiga Qaran oo iskaashanaya ayaa Soo Qabanqaabiyay madal halku dhig looga "Faaiidada aqoonsiga faida ee Itoobiya," taasoo si guul leh loo qabanayo. Addis Ababa dharrabley/Tir 29,2017(ENA) Madashan ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo xuquuqda aqoonsiga muwaadiniinta Itoobiya, aqoonsiga dhijitaalka ah ayaa la hawl galiyay si loo xaqiijiyo xuwuuqda muwaadiniinta oo lagu aqoonsado, si loo horumariyo kalsoonida ka dhaxaysa adeeg bixinta, iyo in kor loo qaado daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo habraacyada heer qaran.   Aqoonsiga dhijitaalka ah ee Itoobiya, oo lagu aasaasay Xeer Lambar 1284/2015, ayaa hadda waxaa iska diiwaangeliyay in ka badan 11 milyan oo muwaadiniin ah aqoonsiga dhijitaalka ah.   Rahel Yitbarek oo ah ku xigeenka barnaamijka Aqoonsiga Qaranka ayaa sheegay in wakaalada Wararka Itoobiya ay tahay mid door ka qaadanaysa barnaamijka "Faaiidada aqoonsiga faida ee Itoobiya." Waxay sidoo kale tilmaamntay in barnaamijkan uu leeyahay faa’iidooyin balaadhan oo ku saabsan helitaan adeegyo kala duwan oo muhiim ah. Madasha ayaa sidoo kale lagu xusay in aqoonsiga dhijitaalka ah uu ilaalinayo xuquuqda muwaadiniinta, ka qayb qaato horumarinta dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dalka. Rahel ayaa sidoo kale tilmaamtay in nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah uu fududeyn doono bixinta adeegyo dhijitaal ah ee degdega ah. Waxay intaas ku dartay in faa’iidada dhaqaale ee ka dhalanaysa aqoonsiga dhijitaalka ah ay la mid tahay faa'iidada weyn ee mashruuca weyn ee biyo xidheenka Itoobiya. Seyfe Derbe, oo ah agaasimaha guud ee Wakaalada Wararka Itoobiya, ayaa dhankiisa sheegay in wakaalada wararka Itoobiya ay tahay wakaaladda wararka ee kali ah ee loogu talagalay ilaalinta danaha qaran ee Itoobiya. Waxay sidoo kale tilmaamay in wakaaladda wararka Itoobiya, oo leh taariikh 82 sano ah, ay ka shaqeyso ilaalinta midnimada qaran oo ka shaqaysa abuutida madallo dood ah oo muhiim u ah qaranka, iyo sidoo kale barnaamijyo wararka iyo barnaamijyo doodaha ah. Madashan ayaa lagu faafaahiyay faa’iidada dhaqaale iyo bulsho ee aqoonsiga dhijitaalka ah. Sidoo kale waxa oo uu xusay in ka mid noqoshada Wakaalada Wararka Itoobiya ee golaha saxaafadda BRICS ay tahay fursad u wanaagsanayn Itoobiya iyo sidoo kale Afrika oo dhan.
Waxaa la hirgalinayaa Dib-u-habeyn ku Haboon Adeeg Bixinta Muwaadiniinta - Wasiir Muferihat Kamil
Feb 4, 2025 51
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 27,2017 (ENA) – Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Muferihat Kamil ayaa sheegtay in dib-u-habaynta socota loo hirgalinayo yada oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta ay helaan adeegyo waqti ku habboon. Waxaa lagu qiimeeyay waxqabadkii wajigii koowaad ee dib u habeynta adeegga iyo maamulka dowladda oo ay hirgelisay wasaaradda iyo hay’adaha hoosyimaada. Waxaa si faahfaahsan looga dooday howlaha la qabtay wejigii ugu horreeyay, oo ay ka mid yihiin diyaarinta macluumaadka, qaab-dhismeedka sharciyada, dib-u-habaynta hay'adaha, iyo hawlaha muhiimka ah ee kale. Wasiirka Muferihat Kamil ayaa tilmaantay in dib-u-habaynta adeegyada iyo maamulka dowladda loo fulinayo si loo xaqiijiyo awooda fulineed ee hay'adaha. Waxay sidoo kale sheegtay in kadib dhammaystirka wejiga koowaad, diyaargarow lagu jiro si loo guda galo wejiga xiga ee hirgelinta ficil ahaan. Wasiirku waxay hoosta ka xariiqday in wejiga xiga ee dib-u-habaynta uu sidoo kale hubin doono bixinta adeegyo waqti ku habboon sida la qorsheeyay. Dib-u-habayntan waxay xooga saaraysaa hagaajinta waxtarka adeeg bixinta, helitaanka, iyo caddaaladda ah, iyadoo sidoo kale lagu dagaallamayo xalinta caqabadaha iyada oo loo adeegsanayo tiknoolajiyadda. Waxaa sidoo kale ay sheegay in wada hadallo heerar kala duwan ah la qabtay si loo hubiyo hufnaanta dib-u-habaynta adeegyada iyo maamulka dowladda ee wasaaradda iyo hay'adaha la shaqeeya.
Itoobiya waxay ka kudadalaysa sidii ay isbedal loga keeni lahayd dhinaca caafimaadka – Dr. Makdhas Dhaaba
Feb 3, 2025 60
Itoobiya waxay ka kudadalaysa sidii ay isbedal loga keeni lahayd dhinaca caafimaadka – Dr. Makdhas Dhaaba Addis Ababa, Dharrabley/Tir 26, 2017 (ENA): Dr. Makdhas Dhaaba, Wasiirka Caafimaadka, ayaa sheegtay in Itoobiya ay si degdeg ah uga shaqeyneyso sidii ay isbeddel ballaaran uga sameyn lahayd qeybta caafimaadka, ee ay ka midkatahay saarista dawooyinka gudaha si loo hagaajiyo adeegyada caafimaadka dalka. Shirweynaha 156aad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta ka bilowday xarunta ururka ee magaalada Geneva,ee Switzerland . Waxaa shirkaas ka qaybgalaya shirweynaha wafti sare oo ay hoggaaminaysa Dr. Makdhas Dhaaba. Dr. Makdes oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in Itoobiya ay ku dadaalayso sidii loo horumarin lahaa caafimaadka. Waxa uu sheegay in adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, wax soo saarka gudaha ee agabka dawooyinka, maalgelinta caafimaadka iyo tababarida xirfadlayaasha caafimaadku ay ugu muhiimsanyihiin. Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo iskaashiga dadaalka loogu jiro xoojinta nidaamka caafimaadka iyo dhisidda awoodda adkeysiga. Sidoo kale, waxay sheegtay in dadaallada dalalka xubnaha ka ah ee ku aaddan hirgelinta iyo la qabsiga tilmaamaha ururka ee xaaladaha ay muhiim u yihiin abuurista nidaamyo caafimaad oo waara. Wasiirka ayaa sheegtay inay aqoonsanayso guulihii laga gaaray dib u habayntii xeerarka caafimaadka caalamiga ah, waxayna ugu baaqday dhammaan dalalka xubnaha ka ah inay kaalintooda ka qaataan si wada xaajoodka ka hortagga cudurrada faafa ee ururka uu u dhammaado bisha May ee sannadka 2025-ka. Xogta laga helayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa tilmamaysa in Guddiga fulinta ee 156aad ee WHO ay ka talo bixin doona ajandayaal gaar ah oo ay ku jiraan barnaamijka miisaaniyadda iyo dhaqaalaha waara. Shirka golaha fulinta ee ururka ayaa socon doona ilaa bisha yekatiit 4, 2017.
Itoobiya waxay ka shaqaynaysaa sidii ay isbedal balaadhan uga keeni lahayd dhinaca caafimaadka – Dr. Makdhas Dhaaba
Feb 3, 2025 51
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 26, 2017 (ENA): Dr. Makdhas Dhaaba, Wasiirka Caafimaadka, ayaa sheegtay in Itoobiya ay si degdeg ah uga shaqeyneyso sidii ay isbeddel ballaaran uga sameyn lahayd qeybta caafimaadka, ee ay ka midkatahay saarista dawooyinka gudaha si loo hagaajiyo adeegyada caafimaadka dalka. Shirweynaha 156aad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta ka bilowday xarunta ururka ee magaalada Geneva,ee Switzerland . Waxaa shirkaas ka qaybgalaya shirweynaha wafti sare oo ay hoggaaminaysa Dr. Makdhas Dhaaba. Dr. Makdes oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in Itoobiya ay ku dadaalayso sidii loo horumarin lahaa caafimaadka. Waxa uu sheegay in adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, wax soo saarka gudaha ee agabka dawooyinka, maalgelinta caafimaadka iyo tababarida xirfadlayaasha caafimaadku ay ugu muhiimsanyihiin. Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo iskaashiga dadaalka loogu jiro xoojinta nidaamka caafimaadka iyo dhisidda awoodda adkeysiga. Sidoo kale, waxay sheegtay in dadaallada dalalka xubnaha ka ah ee ku aaddan hirgelinta iyo la qabsiga tilmaamaha ururka ee xaaladaha ay muhiim u yihiin abuurista nidaamyo caafimaad oo waara. Wasiirka ayaa sheegtay inay aqoonsanayso guulihii laga gaaray dib u habayntii xeerarka caafimaadka caalamiga ah, waxayna ugu baaqday dhammaan dalalka xubnaha ka ah inay kaalintooda ka qaataan si wada xaajoodka ka hortagga cudurrada faafa ee ururka uu u dhammaado bisha May ee sannadka 2025-ka. Xogta laga helayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa tilmamaysa in Guddiga fulinta ee 156aad ee WHO ay ka talo bixin doona ajandayaal gaar ah oo ay ku jiraan barnaamijka miisaaniyadda iyo dhaqaalaha waara. Shirka golaha fulinta ee ururka ayaa socon doona ilaa bisha yekatiit 4, 2017.
Wakaalada Warka Itoobiya
2015