Sayniska Iyo Teknoloojiyada
Barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka faa'iidaysanaysa dhalinyarao badan
Jan 1, 2025 80
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Masuuliyiinta Xafiiska Curinta iyo Tiknoolojiyada, Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo Abuurka, Kuliyadda xirfadaha kala duwan ee Jigjiga iyo xubno ka socday Wasaaradda Curinta iyo Tiknoolojiyada ee JDFI ayaa soo kormeeray geedisocodka barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida.   Kormeerkan oo daaran sidii loogu kuurgali lahaa habsami u socodka barnaamijka Ethio-Coders ayay ardaydu ku baranayaan afar xirfadood oo ay ka mid yihiin borogaraaminta moobilada, qaabka website-ka loo sameeyo, barashada caqliga macmalka ah (AI) iyo xirfado kale.   Barnaamijkan oo Deegaanka Soomaalida loogu talogalay inay ka faa'iidaystaan dhalinyaro kor u dhaafaysa 350 kun oo qof ayaa socon doona muddo saddex sano ah iyadoo sanadkan ay qorsheysan tahay in dhalinyaro ka badan 88 kun ay si rasmi ah qaab onlineka ah ugu bartaan xirfadahani, iyagoo qaar ka mid ah dhalinyaradan ay dhamaystireen xirfadihii ay baranayeen, islamarkaasina ay qaateen shahaadooyin diploma ah.   Xubnaha ka socday Wasaaradda Curinta iyo Tiknoolojiyada ee JDFI oo Deegaanka Soomaalida usoo gaadhay ukuurgalida iyo geedi socodka barnaamijka, kulamo kala duwana la yeeshay xafiisyada bahwadaagta ah ee uu quseeyo barnaamijkan ayaa sheegay inay bogaadinayaan habsami usocodkiisa iyagoo intaasi ku daray in dhalinyarada lagu sii baraarujiyo barashada xirfadahan si ay uga faa'iideystaan fursadahan.
Shaqooyinka horumarinta ee socda waxay kor u qaadayaan abuurista fursadaha shaqo- Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha
Jan 1, 2025 89
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Wasaarada Shaqada iyo Xirfadaha, Itoobiya ayaa sheegtay in shaqooyinka kala duwan ee horumarineed ee ka socda dalka ay si weyn uga qayb qaadanayaan abuurista fursadaha shaqo iyo xaqiijinta horumarka waara. Wasaaraddu waxay ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa xirfadaha muwaadiniinta si loo ballaariyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo, iyadoo hirgelinaysa tallaabooyin dhowr ah. Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Xirfadaha, Salamuun Sokaa, oo u waramay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA), wuxuu sheegay in nidaamka xogta suuqa shaqada ee Itoobiya la casriyeeyay si loo fududeeyo hubinta iyo xaqiijinta xirfadaha shaqo ee dibadda. Wuxuu tilmaamay in gudaha dalka la abuuray jawi ku habboon oo lagu abuuro fursado shaqo, taasoo natiijooyin wanaagsan dhalisay. Waxa kale oo uu xusay in shaqooyinka horumarinta heer qaran ay si weyn uga qayb qaadanayaan abuurista fursadaha shaqo. Gaar ahaan, dhalinyarada ayaa ka faa'iidaysanaya baraha xirfadaha teknoolajiyadaha kuwaasoo dhan 5 milyan oo dhalinyaro ah, iyadoo lagu booriyay inay qaataan tababarradaas si loo kordhiyo baahida xirfadaha caalamiga ah. Dhinacyada la xiriira ilaha horumarinta, kobcinta wax-soo-saarka xilliga xagaaga, iyo kobcinta warshadaha gudaha Itoobiya ayaa dhammaantood qayb ka ah dadaallada lagu abuurayo fursado shaqo. Wuxuu sheegay in tababarro gaagaaban oo xirfadeed la bixinayo si ay looga faa'iidaysto fursadaha shaqo, taas oo fursad siinaysa muwaadiniinta inay ku horumariyaan xirfadahooda shaqo si heer caalami looga aqoonsado xorfadooda iyagoo helaya shahaadooyin heer caalami ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay tahay in muwaadin kasta uu ugu yaraan yeesho hal xirfad, si ay ugu fududaato inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee gudaha iyo dibadda. Ugu dambayntii, waxa kale oo uu tilmaamay in hirgelinta qorshahan "hal badeeco, hal aag" iyo suuqgeynta wax-soo-saarka si loo abuuro bulsho isku dhafan oo awood dhaqaale iyo siyaasadeedba leh ay ka mid yihiin waxyaabaha xoogga la saarayo.
Mas’uuliyiinta sar-sare ee shirkadaha Djibouti Telecom iyo Sudatel Telecommunications Group oo ay horkacayeen xubno sar-sare ayaa booqday Xarunta Khibradd wadaaga ee Ethio Telecom oo ku taalla madxafka xuska guushii Adwa
Dec 4, 2024 116
Addis Ababa, Gudba/Hidhaar, 25/2017T.I.(ENA): Mas’uuliyiinta Ethio Telecom oo ay hoggaaminayso Maareeyaha Guud, Frehiwat Taamiru, ayaa soo bandhigtay adeegyada kala duwan ee shirkadda sida tiknoolajiyadda, xalalka dhijitaalka ah, iyo adeegyo kale oo gaar ah.   Wafdiga ayaa bogaadiyay dadaalka weyn ee Ethio Telecom gelisay xalalka dhijitaalka ah iyo awoodda xooggan ee kaabayaasha horumarineed ee shirkaddu leedahay. Waxay sidoo kale sheegeen in Ethio Telecom ay tusaale u noqon karto shirkadaha kale ee ka hawlgala qaaradda Afrika. Xarunta Khibradda ayaa la tilmaamay inay tahay goob dhiirrigelinaysa hal-abuurka iyo horumarinta tiknoolajiyadda dhijitaalka ah, taas oo kaalin muhiim ah ka qaadan karta isbeddelka dhijitaalka ah ee Afrika.   Ethio Telecom ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Afrika, iyada oo ay iskaashi dhow la leedahay shirkadaha Djibouti Telecom iyo Sudatel Telecommunications Group. Ugu dambayntii, waxaa la sheegay in saddexda shirkadood ay dhowaan kala saxiixdeen heshiis ku saabsan hirgelinta mashruuca "Hindisaha Isku Xirnaanta Fiber-ka ee Xadka Muuqaalka ee Horizon Fiber Connectivity Initiative,” oo lagu xoojinayo isku xirnaanta isgaarsiinta casriga ah ee qaaradda Afrika.
Si nidaamka dhijitaalku u ahaado mid madax-banaan, waa in amniga internet-ka fiiro gaar ah loo yeesho – Mudane Mamo Mehretu
Oct 11, 2024 445
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 20/2016T.I.(ENA): Si loo xaqiijiyo madax-banaanida nidaamka dhijitaalka ah, waa in fiiro gaar ah loo yeesho amniga internetka, ayuu yiri Gudoomiyaha Bangiga Qaranka ee Itoobiya, Mamo Mihratu. Bandhiga Amniga Internetka oo socon doona muddo bil ah ayaa ka furmay madxafja sayniska Addis Ababa iyadoo halkudheg looga dhigay "Ammaanka Kaabayaasha Muhiimka ah ee Madaxbanaanida Dijitalka".   Mamo Mihratu waxa uu sheegay in ammaanka internet-ka la siiyo fiiro gaar ah si loo ilaaliyo agabka dhijitaalka ah si buuxdana loo sugo ammaanka muwaadiniinta. Waxa uu tilmaamay in si loo dammaanad qaado madax-bannaanida nidaamka dhijitaalka ah ee Itoobiya, in fiiro gaar ah loo yeesho ammaanka internetka. Waxa uu xusay in kartida teknoolajiyada ee dhalinyaradu ay tahay in la horumariyo iyada oo laga caawinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay in ay ka ciyaaraan doorkooda laga filayo horumarinta tignoolajiyada internetka.   Agaasimaha Guud ee Maamulka Xogta iyo Amniga Shabakadda, Tigist Xamiid, ayaa sheegtay in marka la eego Qorshaha Istaraatiijiyadda Dijitalka ah ee Itoobiya, in ahmiyad gaar ah la siinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka internetka. Waxay sheegtay in xuska bisha amniga internetka ay faa’iido weyn u leedahay kor u qaadista wacyiga muwaadiniinta, iyadoo xustay in la fashiliyay weeraradii dhanka Internetka ee lagu qaaday Itoobiya, lagana badbaadiyay khasaare balaayiin Birr ah.
88 kun oo dhalinyaro ah ayaa ka qayb qaadan doonta tababarka dhijitaalka ah ee Coders-ka Itoobiya ee deegaanka Soomaalida
Aug 7, 2024 581
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 01/2016T.I.(ENA): Diwaan galinta ayaa 88,000 oo dhalinyaro ah oo ku nool deegaanka Somalida lagaga hawlgelinayaa tababarka barnaamijka coders-ka ee Itoobiya oo heer qaran ah. Waxa uu tilmaamay in 300,000 oo dhalinyaro ah ay qaadan doonaan tababarka saddexda sano ee soo socota. Waxaa la dhisay ayuu yidhi laba guddi oo heer deegaan ah, kuwaasoo ay xubno ka yihiin khabiiro kuxeeldheer iyo maamulba iskuduwi doona shaqooyinka. Gudigan ayaa waxaa gudoomiye u ah Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Ibrahim Cusmqan iyadoo ay ka mid yihiin xafiiska hal-abuurka iyo tignoolajiyada ee deegaanka, xafiiska shaqada iyo xirfadaha ee deegaanka, xafiiska waxbarashada, xafiiska kobcinta awooda iyo horumarinta cududa shaqaalaha deegaanka, xafiiska qorshaynta deegaanka, Shirkadda isgaadhsiinta ee Ethio-Telecom, adeega korontada iyo hay'addo kale. Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada ee deegaanka Soomaalida ahna Xoghayaha Guddiga, Mudane Maxamuud Xuseen ayaa u waramay wakaalada wararka ee Itoobiya (ENA) isagoo sheegay in sanadkan aynu ku jirno la guda galayo diwaan galinta dhalinyarada ka qayb qaadan doonta tababarka lagu baranayo nidaamka isgaadhsiinta casriga ah oo ka kooban sadex mawduuc. Diwaangalinta dhalinyarada ee “Ethiopian Coders Digital Training” waxa ay ka socotaa labada jaamacadood iyo afar iyo toban kuliyadood oo farsamada gacanta ah ilaa iyo haddana waxaa isdiwaangalisay laba kun oo dhalinyaro ah. Wuxuuna sheegay in loo diyaar garoobayo sidii dhalinyarada aan sababo kala duwan uga qayb gali karin tababarkan ay ugu gali lahaayeen kuliyadaha farsamada gacanta iyo sidoo kale Jaamacadaha kala ah Qabridahar iyo Jigjiga. Wuxuuna sheegay in tababarkan uu dhalinyarada u sahli doono in ay ka faa’ideystaan ​​farsamada casriga ah si kor loogu qaado wax soo saarkooda dhinac walba ah. Waxaa uu sheegay in 88,000 oo dhalinyaro ah ay ka qaybqaadan doonaan tababarka dhijitaalka ah ee coders-ka Itoobiya ee sanad miisaaniyadeedkan. Waxa kale oo uu xusay in hogaanka sare ee deegaanka uu degmo kasta ka wado olole lagu hubinayo fahamka bulshada iyo ka qaybgalka si dedaalka guddigu ugu guulaysto tababarka. Waxa uu tilmaamay in todobaad walba ay si gaar ah ula socon doonaan waxqabadka iyo geedi socodka tababarka barnaamijkan, isagoo dhanka kalena sheegay in dhalinyarada laga dhigayo in ay ka faa’ideystaan ​​tababarkan. Tababarka dhijitaalka ah ee Coders-ka Itoobiya ayaa diiradda saaraya xirfadaha aasaasiga ah ee dhijitaalka ah sida barnaamijyada webka, horumarinta Androidka, falanqaynta xogta iyo sirdoonka macmalka ah, shan milyan oo dhalinyaro ah ayaan ka qayb qaadan doona guud ahaan dalka saddexda sano ee soo socota. Ugu dambayntii barnaamijkan ayaa waxaa fulinaya oo iska kaashanaya Iskutaga Imaaraadka Carabta iyo dowladda Itoobiya, dhawaan ayayna ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed uu si rasmi ah uu u daah-furay 16-kii Afagaal, 2016-kaT.I.
Horumarinta Digital-ku waxay ay door muhiim ah u leedahay xaqiijinta horumarka mustaqbalka ee dalka iyo faa'iidada muwaadin kasta
May 22, 2024 849
Addis Ababa; Ginboot 14/2016 (ENA): Horumarinta Digital-ku waxay door muhiim ah ku leedahay xaqiijinta horumarka mustaqbalka ee dalka iyo faa'iidada muwaadin kasta, ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh.   Farriin uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku soo dhigay bartiisa bafaha bulshada ayuu ku sheegay in maanta waxan uu yidhi waxaan aanu ka qayb galnay Bandhigga ‘Stride Ethiopia’ Expo 2024, kaas oo diiradda lagu saarayay cilmiga, tignoolajiyada iyo hal-abuurka, isla markaana aanu wada tashi muhiim ah la yeelanay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.   Waxa uu sheegay in maadaama dunida dhijitaalka ahayd ay meesha ka saartay dhaqamadii soo jireenka ahaa oo ay beddeleen kuwo cusub, waxaa lagama maarmaan ah in la bilaabo in la sameeyo qaabdhismeedyo ka jawaabi kara xaaladaha isbeddelaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah uu u baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Waxa uu sheegay in hay’adaha gaarka loo leeyahay, kuwa tacliinta sare iyo hay’adaha horumarinta ee ka shaqeeya ay ka qayb qaataan horumarinta iyagoo kaashanaya dowladda. Sidoo kale, wuxuu dhambaalkiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hirgelinta isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya iyo shacabka si ay uga faa’iidaystaan ​​dhaxalka dhijitaalka ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeen Temeseng Tiruneh ayaa booqday carwo bandhiggeedka  Stride Ethiopia
May 22, 2024 762
Addis Ababa; ginbod 14/2016 (ENA): Ra’iisal wasaare ku xigeenka Temeseng Tiruneh iyo wasiiro ayaa booqday carwo bandhiggdka STRIDE Ethiopia. carwo bandhiggdka STRIDE Ethiopia waxa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ginbod 10, 2016.   Bandhigga sannadlaha ah wuxuu ahaan doonaa mid u furan dadweynaha ilaa ginbood 18, 2016 ee xarunta Sayniska iyada oo halkudhi loga dhigay "Sayniska waa albaabbada horumarka , tignoolajiyada ayaa isku xirta, hal-abuurnimadu horay ayay u socotaa." Iyada oo diiradda la saarayo sayniska, tignoolajiyada, hal-abuurka iyo dhijitaalaynta, Stride Ethiopia Expo waxa ay ku lug leedahay machadyo badan oo tignoolajiyadeed iyo hal-abuurnimo. Hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale kuwa bilawga ah ayaa soo bandhigay hal-abuurkooda tignoolajiyada. Ra’iisul wasaare ku xigeen Temeseng Tiruneh ayaa booqday bandhigga Stride Ethiopia Addis Ababa; ginbod 14/2016 (ENA): Ra’iisal wasaare ku xigeenka Temeseng Tiruneh iyo wasiiro ayaa booqday carwo bandhiggdka STRIDE Ethiopia. carwo bandhiggdka STRIDE Ethiopia waxa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ginbod 10, 2016. Bandhigga sannadlaha ah wuxuu ahaan doonaa mid u furan dadweynaha ilaa ginbood 18, 2016 ee xarunta Sayniska iyada oo halkudhi loga dhigay "Sayniska waa albaabbada horumarka , tignoolajiyada ayaa isku xirta, hal-abuurnimadu horay ayay u socotaa." Iyada oo diiradda la saarayo sayniska, tignoolajiyada, hal-abuurka iyo dhijitaalaynta, Stride Ethiopia Expo waxa ay ku lug leedahay machadyo badan oo tignoolajiyadeed iyo hal-abuurnimo. Hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale kuwa bilawga ah ayaa soo bandhigay hal-abuurkooda tignoolajiyada. Ra’iisul wasaare ku xigeen Temeseng Tiruneh ayaa booqday bandhigga Stride Ethiopia Addis Ababa; ginbod 14/2016 (ENA): Ra’iisal wasaare ku xigeenka Temeseng Tiruneh iyo wasiiro ayaa booqday carwo bandhiggdka STRIDE Ethiopia. carwo bandhiggdka STRIDE Ethiopia waxa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ginbod 10, 2016. Bandhigga sannadlaha ah wuxuu ahaan doonaa mid u furan dadweynaha ilaa ginbood 18, 2016 ee xarunta Sayniska iyada oo halkudhi loga dhigay "Sayniska waa albaabbada horumarka , tignoolajiyada ayaa isku xirta, hal-abuurnimadu horay ayay u socotaa." Iyada oo diiradda la saarayo sayniska, tignoolajiyada, hal-abuurka iyo dhijitaalaynta, Stride Ethiopia Expo waxa ay ku lug leedahay machadyo badan oo tignoolajiyadeed iyo hal-abuurnimo. Hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale kuwa bilawga ah ayaa soo bandhigay hal-abuurkooda tignoolajiyada.
Diiwaangelinta qaran ee aqoonsiga dhijitaalka waa mid waxtar wayn leh - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh
Apr 19, 2024 867
AddisA baba,miyaasiya 10/2016 (ENA):- Ra’iisul wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ah ee qaranka uu muhiim u yahay horumarinta qaranka iyo bixinta adeega dalka.   Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa barnaamijka qaran ee aqoonsiga dhijitaalka ah oo ay taaba galkiisa iska kaashadeen hay’adaha dowladda, goob joogna ka ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.   Waxaa lagu dhawaaqay in barnaamijka Aqoonsiga Dijital ah ee Qaranka uu diiwaangeliyay 4 dhibcood 6 milyan oo qof labadii sano ee la soo dhaafay. Sida uu sheegay ra'iisul wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh waqtigan, aqoonsiga dhijitaalka ah waa muhiim si loo xaqiijiyo aqoonsiga dhabta ah ee dadka iyo bixinta adeegyada dowladda. Dowladda ayaa sheegtay in aqoonsiga dhijitaalka ah uu muhiimad weyn u leeyahay fulinta howlaha bulshada iyo dhaqaalaha dalka iyo sidii loo sugi lahaa amniga nidaamka maaliyadda. Waxa kale oo ay xuseen in barnaamijkani uu door muhiim ah ku leeyahay horumarinta adeegyada dawladda, bangiyada in ay bixiyaan deymo iyaga oo og macaamiishooda iyo in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah. Sido kale Maamulka suuban, nabada iyo qorshaha horumarineed ayaa wax weyn ka tari doona Madaxa barnaamijka aqoonsiga qaranka Yodahe Arayaselassie ayaa soo jeediyay warbixinta waxqabadka barnaamijka. Warbixintooda, waxay ku sheegeen inay xiriir la sameeyeen 50 hay'adood oo ka dhigaya aqoonsiga dhijitaalka ah ee la aqbali karo labadii sano ee la soo dhaafay. Ilaa hadda, 4 dhibcood 6 milyan oo qof ayaa diiwaangeliyay kaadhadhka aqoonsiga dhijitaalka ah waxayna qorsheynayaan inay diwaan geliyaan 10 milyan dhammaadka sane. Waxay kaloo u sheegeen in celcelis ahaan 8 kun oo su'aalood oo aqoonsi ah laga jawaabayo maalintii. Sidoo kale ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka ayaa xusay in diiwaan gelinta aqoonsiga dhijitaalka ah ay muhiimad weyn u leedahay ka mira dhalinta dib u habeynta shaqaalaha dowladda iyo xaqiijinta aqoonsiga dhabta ah ee shaqaalaha dowladda. Waxa ay xuseen in ay wax badan ka tari karto in si habaysan loo fuliyo adeegyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha, gaadiidka iyo kuwa la midka ah ee laga duulayo himilooyinka qaranka. Wasiirka dakhliga Deeta Meseret Meskele ayaa xustay in diiwaan gelinta aqoonsiga dhijitaalka ah ay ka socoto laamaha wasaaradda isla markaana ay wax weyn ka tari doonto kor u qaadista dakhliga dalka iyo in la sameeyo nidaam sax ah oo canshuur qaybin ah. Macaamiisha u imanaya inay helaan lambarka daasadda ee Abinet waa inay marka hore diiwaangeliyaan kaadhka waxtarka oo ay codsadeen qalab diiwaangelin dheeraad ah. Madaxa shirkadda Ethio Telecom Frehiwot Tamiru ayaa sheegtay in la bilaabay isku xirka macaamiisha iyo aqoonsiga dhijitaalka ah ee Telebir Super App-ka. Waxayna xuseen in shirkaddu ay diyaarisay u diyaar garowga dadweynaha si ay u diwaan geliyaan kaadhadhka aqoonsiga dhijitaalka ah, isla markaana ay hiigsanayso in shan bilood gudahood ay ku diwaan geliyaan macaamiisha ilaa shan milyan oo qof. Ka qaybgalayaasha oo masraxa ku matalayay bangiyada ayaa xusay in bangiyada qaar ay sameynayaan diiwaan gelinta aqoonsiga dhijitaalka ah taasoo u sahlaysa in ay ogaadaan macaamiishooda ayna bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo habboon. Waxa ay sheegeen in la soo gadanayo 6 kun oo qalab diwaangalin ah si loo sii balaadhiyo diwaangalinta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Alem Tsehay Paulos ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu diwaan geliyo 90 milyan oo qof dhamaadka sanadkan 2018-ka. Waxa ay sheegeen in si guul ah loo gaaro goobaha diwaan gelinta laga sameeyo xarun kasta, isku xirka nidaamka teknoolojiyadda, qalabeynta qalabka diiwaangelinta iyo xoojinta isgaarsiinta. Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Temesgen Tiruneh oo ka jawaabaya qodobbo ay ka soo qeyb galayaasha soo jeediyeen, maadaama ay u baahan tahay dhaqaale badan in la sii wado si loo gaaro barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ah. Waxa ay xuseen in isku xirka hay’adaha ay muhiim tahay in la gaaro yoolka sanadlaha ah ee bilaha harsan, waxa ayna tilmaameen in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii loo gali lahaa waji waxqabad sanadka soo socda. Waxay xuseen in dardar gelinta iibsiga qalabka diiwaangelinta, fidinta isgaarsiinta iyo wacyigelinta ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhammaan hay’adaha, iyagoo ku boorriyay hay’adaha maaliyadda iyo isgaarsiinta inay ahmiyadda koowaad siiyaan. +2 See insights and ads Boost post Like Comment Share
itoobiya ayaa ahmiyada siisay Transformationka casriga ah . Taemesgan Turuneh Ra’iisul Wasaare ku xigeen
Apr 12, 2024 452
  Addis Ababa; Magaabit 4/2016 (ENA): Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Taemesgan Turuneh ayaa sheegay in ahmiyada lasiin doono sirdoonka macmalka ah iyo isbadalka dhijitaalka ah ee Itoobiya.   Dasta Robotka loogu magacdaray ayaa caawa ku Soo bandhigi doonta muusikada Hotelka Skylight iyada iyo ruug cadaa muusikiiste jazz Mulatu astatike. Waxaana kasoo qaybgalay bandhigan Mas’uuliyiinta sare ee dawladda, khuburo ka shaqeysa Hal abuurka iyo teknolojiyadda, iyo marti sharaf kale ok lagu casuumay waxaana ka mid ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka mudane Taemesgan Turuneh   Isla markaana mudane Taemesgan Turuneh ayaa sheegay in Itoobiya ay aad uga shaqaynayso dhanka sirdoonka macmalka ah iyo la jaanqaadka tignoolajiyada. Waxa uu tilmaamay in sirdoonka macmalka uu yahay mod lagu xalin karo mashaakilaadka ka jira Itoobiya iyo qaarada Afrika iyo sidoo kale jihada mustaqbalka ee dunida. Wuxuu sheegay in itoobiya ay diirada saarayso isbeddelka dhijitaalka ay sii wadi doonto xoojinta iyada oo la farsamaynayo sirdoonka macmalka ah sida robot-kan Desta oo kale. Robotka Desta waxaa maanta barnaamijka bandhiga Soo diyaarisay Ethiopian Artificial Intelligence iyo icog Labs oo kaashanaya Ethiopian Airlines iyo shirkada Ethio-Telecom. Robotka Desta waxa lagu programiyay luuqada Axmariga iyada oo kaga hadashay goobta bandhiga Axmari iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada jiilka 5-aad ee Ethio-Telecom iyo machadka sirdoonka macmalka ah, Robot-ka afka Amxaariga ku hadla waxa samaysay ICOG Labs. Desta waa Robot ku hadla afka Amxaariga, muujiya dhaq dhaqaaq kala duwan, farxad iyo shucuur kale oo ciyaari karta.
Wakaalada Warka Itoobiya
2015