Barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka faa'iidaysanaysa dhalinyarao badan - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka faa'iidaysanaysa dhalinyarao badan
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Masuuliyiinta Xafiiska Curinta iyo Tiknoolojiyada, Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo Abuurka, Kuliyadda xirfadaha kala duwan ee Jigjiga iyo xubno ka socday Wasaaradda Curinta iyo Tiknoolojiyada ee JDFI ayaa soo kormeeray geedisocodka barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida.
Kormeerkan oo daaran sidii loogu kuurgali lahaa habsami u socodka barnaamijka Ethio-Coders ayay ardaydu ku baranayaan afar xirfadood oo ay ka mid yihiin borogaraaminta moobilada, qaabka website-ka loo sameeyo, barashada caqliga macmalka ah (AI) iyo xirfado kale.
Barnaamijkan oo Deegaanka Soomaalida loogu talogalay inay ka faa'iidaystaan dhalinyaro kor u dhaafaysa 350 kun oo qof ayaa socon doona muddo saddex sano ah iyadoo sanadkan ay qorsheysan tahay in dhalinyaro ka badan 88 kun ay si rasmi ah qaab onlineka ah ugu bartaan xirfadahani, iyagoo qaar ka mid ah dhalinyaradan ay dhamaystireen xirfadihii ay baranayeen, islamarkaasina ay qaateen shahaadooyin diploma ah.
Xubnaha ka socday Wasaaradda Curinta iyo Tiknoolojiyada ee JDFI oo Deegaanka Soomaalida usoo gaadhay ukuurgalida iyo geedi socodka barnaamijka, kulamo kala duwana la yeeshay xafiisyada bahwadaagta ah ee uu quseeyo barnaamijkan ayaa sheegay inay bogaadinayaan habsami usocodkiisa iyagoo intaasi ku daray in dhalinyarada lagu sii baraarujiyo barashada xirfadahan si ay uga faa'iideystaan fursadahan.