Dhaqaalaha
Shiinaha ayaa sheegay inay taageeri doonto geeddi-socodka xubinnimada Itoobiya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO)
Feb 22, 2025 11
Addis Ababa, Cirir/yekatit 15/2017 (ENA) – Shiinaha ayaa sheegay inay taageero buuxda siineyso geeddi-socodka Itoobiya ee ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Itoobiya, oo haatan mareysa marxalad muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka ku biirista ururka, iyada oo wadahadallo laba geesood ah la yeelanaysa waddamo kala duwan. Danjiraha Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Geneva iyo Austria, Danjire Sagaab Kebebew, ayaa la kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya WTO, Chenggang Li, si ay uga wada hadlaan arrimaha ku saabsan ku biirista Itoobiya ee ururka. Danjire Sagaab ayaa sheegay in Itoobiya iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo taariikhi ah, isagoo xusay kaalinta weyn ee Shiinaha ka qaadato maalgashiga iyo arrimaha kale ee horumarinta Itoobiya. Intii lagu guda jiray kulanka, Danjire sagaab wuxuu warbixin ka siiyay heerka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Itoobiya ee WTO, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay gaartay marxalad muhiim ah. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in wadahadallada laba geesoodka ah ee lala yeesho dalalka muhiimka ah, oo uu ka midyahay Shiinaha, ay yihiin kuwa lagama maarmaan u ah in qorshaha ku biirista WTO uu miro dhalo. Itoobiya ayaa diyaar u ah inay sii xoojiso wadahadallada, iyadoo raacaysa tilmaamaha ay soo saartay WTO si ay u xaqiijiso in qorshayaasheeda ganacsi iyo adeegyada la waafajiyo danaha dalka iyo kuwa dalalka xubnaha ka ah ururka, sida uu sheegay Danjire Segab. Waxaa la qorsheynayaa in wadahadallada laba geesoodka ah la soo gabagabeeyo ka hor shirka shanaad ee guddiga ka shaqeeya codsiga xubinnimada Itoobiya, kaasoo la qaban doono bisha Maarso 2025. Danjire Chenggang Li oo ah danjiraha Shiinaha u fadhiya WTO, ayaa marka kale ku celiyay sida dalkiisu uga go'an tahay inuu taageero dhamaystiran siiyo Itoobiya si ay si guul leh ugu biirto ururka. Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) oo la aasaasay sanadkii 1995 ayaa xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, wuxuuna leeyahay 166 waddan oo xubno ka ah.
Itoobiya ayaa kor u qaadaysa ka Faa'iidsiga Dhaqaalaha ay ka hesho bunka – Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Tamasgen Tiruneh
Feb 22, 2025 9
Addis Ababa, Cirir/yekatiti15, 2017 (ENA): Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Tamasgen Tiruneh , ayaa sheegay in Itoobiya, oo ah dalka ugu balaadhan ee soo saara bunka Afrika, ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo faa'iidada dhaqaale ee ay ka hesho wax-soo-saarka bunka, iyada oo guulo ka gaartay dib-u-habeynka lagu sameeyay warshadaha bunka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku waxa uu sheegay in Itoobiya ay caan ku tahay soo saarista bunka tayo sare leh oo leh dhadhan gaar ah, sida bunka Arabica, taas oo ka dhigaysa mid si weyn loo jecel yahay caalamka. Hadalkan ayuu ka jeediyay shirkii 3-aad ee G-25 ee wadamada Afrika ee soo saara bunka oo ka dhacay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tansaaniya. Shirkan ayaa lagu falanqeeyay qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda wax-soo-saarka bunka ee dalalka Afrika, laguna gaaray go’aanno lagu horumarinayo iskaashiga iyo cilmi-baarista ku saabsan bunka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Itoobiya, oo ah hormuudka soo saarka kafeega Afrika, ay hirgelisay dib-u-habeyn ballaaran si loo kordhiyo dakhliga ka soo baxa wax-soo-saarka bunka, taas oo durba keentay natiijooyin la taaban karo. Shirka oo halku-dhiggiisu ahaa "Kordhinta Warshadaha Kafeega Afrika iyo Abuurista Fursado Shaqo oo Dhalinyarada" ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sida loo horumarin karo warshadaha bunka iyo sida loo abuuri karo fursado shaqo oo dheeraad ah oo loogu talagalay dhalinyarada. Itoobiya ayaa sidoo kale ku guuleysatay martigelinta shirka afraad ee G-25 ee wadamada Afrika ee soo saara kafeega, kaas oo lagu qaban doono magaalada Addis Ababa sanadka 2019, kaddib codsi ay u gudbisay shirka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Tamasgen tiruneh ayaa sheegay in Itoobiya ay fursaddan u aragto masuuliyad weyn oo ay si hufan uga faa'iideysan doonto. #Ethiopian_News_Agency #ENA #Itoobiya #Bunka #Waxsoosaarka
Itoobiya ayaa in ka badan 20 mashruuc ka fulinaysa Hindisaha Horumarinta Geeska Afrika – Wasiir Axmed Shide
Feb 19, 2025 33
Addis Ababa: Cirir/Yakaatiit 11,2017(ENA)-Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka fulinayso in ka badan 20 Mashruuc oo ku aaddan Horumarinta Geeska Afrika. Shir Madaxeedka Hindisaha Horumarinta Geeska Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee dalalka xubnaha ka ah iyo hay’adaha horumarinta. Shirkaas waxa sharaxaad ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide. Axmed Shide ayaa sharaxaadiisa ku sheegay in hindisaha horumarinta Geeska Afrika uu diiradda saari doono kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, dhimista abaaraha iyo dhinacyo kale.   Waxa kale u tilmaamay in hindisahani uu quseeyo Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan. Waxa uu sheegay in shirkan dib eegis ku sameeyay dhaqaalihii laga soo uruuriyay hay’adaha wada shaqaynta la leh iyo waxqabadka mashaariicda. Waxa uu tilmaamay in ilaa hadda la uruuriyay lacag dhan 9.7 bilyan oo dollar, isla markaana ay Itoobiya meel fiican ka marayso dhanka waxqabadka. Wuxuu sheegay in taasi ay Itoobiya u ogolaatay in hantidii la uruuriyay ay ka hesho lacag dhan 3 bilyan oo dollar. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka fulinayso in ka badan 20 mashruuc oo horumarinta Geeska Afrika ah.   Mashaariicda socda waxa ka mid ah waddooyinka, korontada iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee isku xidhaya Addis-Ababa-Jabuuti, Addis Ababa-Barbara, Me'ayso-dirdhaba inay tusaale u yihiin mashaariicdaas. Waxa uu tilmaamay in mashaariicda horumarineed ee ay hindisaha ee kasocda itoobiya muhiim u yihiin in ka badan hal waddan. Waxa uu sheegay in shirkan lagu dajiyay qorshe lagu xoojinayo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah, waaxaha waxbarashada iyo dhinacyada kale iyadoo la xoojinayo xiriirka horumarineed. Arrintaas ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo uruurin lahaa hanti badan.
Shirkii sideedaad ee ganacsiga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa
Feb 17, 2025 42
Addis Ababa; Cirir/Yakaatiit 10/2017 (ENA): Shirka Sideedaad ee Ganacsiga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa. Shirkan ayuu halku-dhiggiisu noqon doonaa “Horumar ilaa Barwaaqo; "Xoojinta Awoodda Silsiladaha Qiimaha ee qaaradda Afrika". Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha JDFI Taye Askesilase, wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha dowladda, jilayaasha ganacsiga gaarka, ururada horumarinta, safiirro dalal kala duwan, iyo hay’adaha maaliyadda. Madasha ganacsigan ayaa diiradda lagu saari doono horumarinta silsiladaha qiimaha gobolka iyo aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha Afrika ee xoolaha, beeraha iyo daawooyinka. Dawladaha, bulshada dhaqaalaha gobolka, hay'adaha maaliyadeed iyo ganacsiga gaarka ah ee Afrika ayaa ka wada hadli doona shaqada ay qabanayaan si loo hubiyo kordhinta qiimaha, horumarinta warshadaha waara, isticmaalka tignoolajiyada casriga ah, shaqo abuurka iyo sugnaanta cuntada. Madasha ayaa sidoo kale la sheegay inay ka talo bixinayso shuruudaha kor loogu qaadayo ilaha maalgashiga ee horumarinta silsiladaha qiimaha qaaradda iyo aagagga dhaqaale ee gaarka ah. Madashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga dhaqaalaha Afrika u qaabilsan Qaramada Midoobay oo kaashanaya hay’adda maaliyadda ee Afrika iyo bangiga horumarinta dhaqaalaha Carabta. Madasha Ganacsiga Afrika ayaa la qabtaa sanadkiiba mar illaa sanadkii 2018 t.y. Guddigu wuxuu sheegay in madashu ay abuurtay jawi ay dawladaha, maalgashadayaasha, isuduwayaasha mashaariicda iyo daneeyayaasha si ay uga doodaan Yoolalka Horumarka Waara, fursadaha, caqabadaha iyo jawaabaha wax ku oolka ah ee lagu gaarayo hindisayaasha Ajendaha 2063-ka. #ENA
Wax soo saarka Itoobiya oo si balaadhan loogu iibgeynayo suuqyada Afrika – Kooxda Ganacsiga Elektarooniga Afrika
Feb 16, 2025 33
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 9/2017 (ENA): Kooxda Ganacsiga Elektarooniga Afrika ayaa shaacisay inay ka shaqaynayso sidii wax soo saarka Itoobiya si ballaaran loogu suuq geyn lahaa suuqyada Afrika. Mulu Alem Siyuum, madaxa kooxda, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) in kooxda ay la shaqaynayso Ururka Midowga Afrika (AU) si istiraatiiji ah. Kooxdu waxay diyaarisay hindise suurtagelinaya in ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee Itoobiya ay si fudud uga qaybqaataan suuqyada xorta ah ee Afrika. Waxay sidoo kale horumarinayaan Suuqa Elektarooniga ee Sosoko Africa, oo ah madal ganacsi oo si toos ah ugu shaqaysa internet-ka, taas oo si gaar ah diiradda u saareysa suuq-geynta wax soo saarka Afrika. Dhinaca kale, kooxda waxay ka shaqaynaysaa sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo dhamaystiran iyo kobcinta ganacsiyada kale ee la xiriira. Kooxdu waxay sheegtay in ganacsato tiro badan oo ka mid ah kuwa yaryar ee Afrika ay ka faa’iidaysanayaan madasha Sosoko Africa, iyada oo ganacsatada Itoobiyaana ay heleen fursado badan oo suuqyo cusub ah. Kooxdu waxay xarunteeda ka dhigtay Addis Ababa waxayna iskaashi la samaynaysaa shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha kale ee ganacsiga si loo suuq geeyo alaabta Itoobiya. Labadii sano ee la soo dhaafay, ilaa 170,000 oo ganacsi ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay ganacsiga internet-ka ee heer gobol. Kooxdu waxay xustay inay si dhow ula shaqaynayso suuqyada xorta ah ee Afrika si ganacsiyada kale loogu sahlo inay galaan suuqyada caalamiga ah. Waxay sidoo kale xoogga saartay inay kobciso fursadaha shaqo ee dhallinyarada, horumariso ganacsiyada, suuq geyso alaabta, islamarkaana ballaariso fursadaha ganacsi ee suuqyada Afrika. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Itoobiya
Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah Waa Inay Dib-u-habeyn Ku Sameeyaan Hab Ay Afrika Uga Faa'iidaysan Karto Si Cadaalad Ah
Feb 12, 2025 78
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 5/2017 (ENA): Xoghayaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha ee Afrika ee Qaramada Midoobay, Klafer Gatete, ayaa sheegay in hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah ay tahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo si Afrika ay si cadaalad ah uga faa'iidaysato nidaamka maaliyadeed ee adduunka. Shirka caadiga ah ee 46-aad ee Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika ayaa ka socda magaalada Addis Ababa. Xoghayaha Guud, Klafer Gatete, oo halkaas ka hadlayay, ayaa sheegay in reer Afrika aysan si buuxda u maamulin kheyraadkooda dabiiciga ah, taasoo caqabad ku ah horumarka qaaradda. Inkasta oo Afrika ay saameyn weyn ku leedahay isbeddelka cimilada, haddana waa midda ugu badan ee la kulmeysa dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelkaas, ayuu xusay. Sidaas darteed, wuxuu carrabka ku adkeeyay in nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah loo baahan yahay in la isbeddeliyo si uu u noqdo mid xaq u siinaya Afrika faa'iido dhab ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in isbeddel weyn lagu sameeyo nidaamka maaliyadeed ee caalamka uu muhiim u yahay Afrika, si qaaraddu ay si buuxda u maamuli karto kheyraadkeeda, ugana faa'iidaysan karto suuqyada caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu xusay in Suuqa Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha Afrika, maadaama uu kobcinayo iskaashiga ganacsiga ee dalalka Afrika. Intaa waxaa dheer, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Afrika ay ka faa'iidaysato kheyraadkeeda iyada oo aan keliya u dhoofin waxyaabaha ceeriin ah, balse ay ku darto qiime ka hor inta aan la iibgeynin. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Diblomaasiyadda #Itoobiya #Shirka_Midowga_Afrika
Itoobiya oo door hoggaamineed ka qaadaneysa iskaashiga horumarka iyo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika – Axmed Shide
Feb 11, 2025 52
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit /2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Itoobiya iyo Guddoomiyaha Xilligan ee Hindisaha Geeska Afrika, Axmed Shide, ayaa sheegay in Itoobiya ay si isa soo taraysa u muujinayso doorkeeda hoggaamineed ee iskaashiga horumarka iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Hindisaha Geeska Afrika, oo la aasaasay Oktoobar 2012 kadib dib-u-habeynta Itoobiya iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah, waa madal ay ku mideysan yihiin Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika. Wasiir Axmed Shide ayaa xusay in Itoobiya ay hirgelinayso mashaariic horumarineed oo wadajir loola fulinayo dalalka deriska ah, iyada oo loo marayo Hindisahan. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Itoobiya ay ka go’an tahay iskaashi dhaqaale iyo horumar waara oo ka dhex dhaca gobolka. Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay door hoggaamineed ka ciyaareyso mashaariicda isku xirka xuduudaha, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, tareennada, iyo kaabayaasha tamarta. Hindisaha Geeska Afrika ayaa shantii sano ee la soo dhaafay dadaal gelinayay ururinta maalgelin dhan $15 bilyan oo dollar oo ka imaanaysa la-hawlgalayaasha horumarineed. In ka badan kala bar dhaqaalahan ayaa la xaqiijiyay, waxaana loo adeegsanayaa fulinta mashaariicda horumarineed. Itoobiya oo keliya ayaa heshay taageero horumarineed oo ka badan $3 bilyan oo dollar. Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Hindisaha Geeska Afrika uu si weyn u taageeray dadaallada wax looga qabanayo dhibaatooyinka deegaanka, sida dhisidda xarumo lagu kaydiyo biyaha si wax looga qabto abaarta gobollada ay saameynta ku yeelatay. Waxaa kale oo la hirgeliyay mashaariic horumarineed oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka dhulka beeralayda, iyadoo 500,000 hektar oo dhul ah laga badbaadiyay weerarrada ay keeneen ayaxu. Isdhexgalka dhaqaale iyo koboca bulshada ee sii kordhaya ayaa sii xoojinaya doorka Itoobiya ee ku aaddan iskaashiga horumarineed ee Geeska Afrika. Wasiir Axmed Shide ayaa xusay in shirka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Hindisaha Geeska Afrika iyo la-hawlgalayaasha horumarineed uu ka dhici doono Addis Ababa 11-ka Febraayo 2025. Shirkan ayaa dib-u-eegi doona waxqabadka shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana sidoo kale lagu gorfeyn doonaa mashaariicda mustaqbalka. Itoobiya ayaa labada sano ee la soo dhaafay ahayd Guddoomiyaha Hindisaha Geeska Afrika, waxaana shirkan ka dib la filayaa in hoggaanka la wareego dal kale oo xubno ka ah Hindisaha. Hindisaha Geeska Afrika waxaa ku mideysan Itoobiya, Jabuuti, Ereteriya, Kenya, Soomaaliya, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan. Ujeeddada ugu weyn ee Hindisaha waa horumarinta iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta is-dhexgalka ganacsiga iyo dhaqaalaha, abuurista awoodda wax-ka-qabashada dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadam sameeyo, iyo horumarinta kheyraadka aadanaha. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Waxaa la daah furay App-ka daneeyayaasha Waaxda Gaadiidka
Feb 11, 2025 38
Addis Ababa; Cirir/yekaatiit 04/2017 (ENA): Wakaalada Addeega badaha ee Itoobiya ayaa soo bandhigtay App-ka isku xidha gaadiidleyda iyo mulkiilayaasha xamuulka. munaasibada lagu daahfurayay appkan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka gaadiidka iyo saadka Alemu Sime (PhD), maareeyaha guud ee wakaalada Addeega badaha Itoobiya Eng. Abdulber Shemsu, iyo daneeyayaasha kale ee qaybta.   Waxaa lagu sheegay in Apkani loo sameeyay si wax looga qabto cilladaha dhanka gaadiidka iyo in loo adeegsado istaraatiijiyadda iyo siyaasadda maamulkaAddeega badaha. Waxaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray xafladda furitaanka, Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, Dr. Alemu Sime, Agaasimaha Guud ee Maamulka Badda ee Itoobiya Injineer Abdulber Shemsu iyo xubno kale oo ka tirsan waaxda ay goob joog ka ahaayeen.   Waxaa sidoo kale la xusay in siyaasadaha iyo istaraatiijiyada Maamulka Badda ee Itoobiya ay ku jiraan fikrado xal loogu raadinayo caqabadaha iyo guuldarrooyinka ka jira waaxda gaadiidka. Mid ka mid ah fikradahaas ayaa ah horumarinta barnaamij isku xiraya ka qaybgalayaasha, kaas oo lagu xalinayo caqabadaha maamulka iyo nidaamka aan hagaagsanayn ee waaxda. Sidoo kale, waxaa la shaaciyey in Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka, maamulka, iyo dhinacyada gaarka loo leeyahay ay wadaan fulinta illaa 40 mashruuc oo la xiriira gaadiidka iyo saadka oo ku salaysan iskaashi ka dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Barnaamjikan ayaa waxaa ka mid ah kobcinta kaabayaasha muhiimka ah ee waaxda, hagaajinta nidaamyada adeegga, iyo kor u qaadista awoodda gaadiidka xamuulka iyo dadka. Waxaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan uu noqon doono nidaam teknoolojiyadeed oo isku xira dowladda iyo waaxda gaarka loo leeyahay, kaas oo lagu horumarinayo xidhiidhka xogta iyo hagaajinta adeegyada. #Ethiopian_News_Agency #Ethiopia# ENA
Dib-u-habaynta nidaamka shaqo waa qayb ka mid ah geeddi-socodka isbeddelka ee hay'adda - Wasaaradda Dakhliga
Feb 4, 2025 67
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 27, 2017 (ENA) – Wasiir ku-xigeenka waaxda hawlgalada cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabduraxmaan Id-Tahir, ayaa sheegay in dib-u-habaynta nidaamka shaqo uu yahay mid ka mid ah geeddi-socodka isbeddelka ee hay'adda. Mas'uuliyiinta Wasaaradda dakhliga ayaa la yeeshay kulan ay la wadaageen koox wakiillo ka socda Bangiga Adduunka, waxaana diiradda la saaray maareynta cashuuraha, xeerarka cashuuraha excise-ka, iyo hab-raacyada kor u qaadaya dhaqangelinta cashuuraha. Xogta laga helayo wasaarada ayaa tilmaamaysa in wadatashiyadii ay la yeesheen Bangiga Adduunka ay xooga ku saareen sidii loo hagaajin lahaa ku dhaqanka sharciyada cashuuraha caalamiga ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga cashuuraha ee ka soo gala wax soo saarka qaranka. Sidoo kale, waxaa lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay nidaamyo waxtar leh oo ku salaysan waayo-aragnimo caalami ah oo lagu dabaqi karo maamulka cashuuraha iyo hirgelinta xeerarka cashuuraha excise-ka. Wasiir ku-xigeenka Cabduraxmaan Id-dahir ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay weli ku jirto geeddi-socodka isbeddelka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta dhow ee Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka. Bangiga Adduunka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan la shaqaynta Wasaaradda dakhliga si loo xalliyo arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan maamulka cashuuraha iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha. Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in muhiim ay tahay in nidaamka cashuuraha ee dalka la waafajiyo xeerarka caalamiga ah, taas oo lagu hirgelin karo iyadoo laga faa'iideysanayo waayo-aragnimada wadamada kale. Agaasimaha istiraatiijiyadda ee Wasaaradda, Mudane Cusmaan Maxamed, ayaa dhankiisa sheegay in qaadashada nidaamyada casriga ah ee maamulka cashuuraha ay muhiim u tahay kobcinta dakhliga dalka. ? Waxaa sidoo kale la tilmaamay baahida loo qabo in la aqoonsado dhinacyada hooseeya ee ka jirta nidaamka cashuuraha ee hadda jira si loo helo nidaam ka waxtar badan.
Dib-u-habeynta Siyaasadda ee La Hirgeliyey Tan iyo Isbedelka waxay badbaadisay Dhaqaale Xoog leh - Wasiir Axmed Shide
Jan 29, 2025 63
Addis Ababa, Dharrabley/Tir 21, 2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa sheegay in dib-u-habeyn ballaaran ee siyaasadeed ee la hirgaliyay sannadihii isbeddelka ay si guul leh u badbaadiyeen dhaqaalaha qaranka oo wajahayay hoos u dhac. Wasiirka ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay dadaallada lagu hirgaliyay isbeddelka dhaqaale iyo guulaha laga gaaray. Wuxuu sheegay in ka hor dib-u-habeynta, nidaamka jiray uusan awoodin inuu si wanaagsan u maareeyo dhaqaalaha, taas oo sababtay caqabado culus. Waxa uu sheegay in ka hor isbeddelka, dakhliga dowladda uu xaddidnaa, deynta waddanku ay sii kordheysay, bangiyada ay la kulmayeen hoos u dhaca lacagta dayminta ah, iyo in nidaamka maaliyadeed guud ahaan uu caafimaad qabin. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay kadib dib-u-habeynta iyo hirgelinta siyaasado kala duwan, oo la dhqaqanvaliyay in waddanku uu ku guuleystay inuu ka gudbo caqabadaha, uu dhiso dhaqaale xasilloon oo waara, isla markaana uu keeno koboc joogto ah. Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin tallaabooyinka siyaasadeed ee miisaaniyadda iyo lacagaha, horumarinta helitaanka lacagta qalaad, iyo nidaamyada dhiirigelinta ka qeybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay. Wasiirka ayaa xusay in dhaqaalaha uu horay ugu koobnaa dhowr qaybood oo yar, laakiin isbeddelka dib-u-habeynta ka dib, diiradda la saaray dhaqaale kala duwan oo natiijooyin wax ku ool ah keenay. Wuxuu sidoo kale tilmaamay saameynta wanaagsan ee dadaallada lagu xaqiijinayo in bangiyadu door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha, isagoo tusaale usoo qaatay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya oo lagu tilmaamay tusaale wanaagsan. Wuxuu intaa ku daray in tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaadatay dowladda ay door muhiim ah ka ciyaareen dib-u-kabashada dhaqaalaha iyada oo lagu hagaajiyay waxqabadka shirkadaha horumarinta dowladda iyo kordhinta dakhliga qeybaha kala duwan oo dhaqaale. In loo oggolaado sicirka sarifka lacagta inuu suuqu go'aamiyo ayaa keentay in sicirka suuqyada madow uu u soo dhowaado kan rasmiga ah, taasoo sidoo kale yaraysay ganacsiga sharci darrada ah, sida uu wasiirku sheegay. Wuxuu sheegay in tallaabooyinka lagu xakameynayo sicir-bararka, ee ay ka mid yihiin kaalmada lacagaha lagu kabo badeecooyinka muhiimka ah sida shidaalka, ay natiijo wanaagsan soo hooyeen, isagoo tilmaamay in dadaallada ballaaran ee dowladda ay bilawday inay ka soo baxayaan natijooyin wanaagsan. Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in kaalinta bahwadaagta horumarinta iyo daneeyeyaasha kale ee keenista lacagaha qalaad ee muhiimka ah ay door muhiim ah ka ciyaareen xasillinta dhaqaalaha. ugu dambeyn Wasiirku wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka gudubtay caqabadihii dhaqaale isla markaana ay hadda ku socoto waddadii horumar waara.
Wakaalada Warka Itoobiya
2015