Waxaa dadaal loogu jiraa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha teknoolajiyadeed ee dhalinyarada- Ibraahim Cusmaan - ENA Af-Soomaali
Waxaa dadaal loogu jiraa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha teknoolajiyadeed ee dhalinyarada- Ibraahim Cusmaan
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 9/2017 (ENA): Gudiga Farsamada ee Barnaamijka Ethio-Coders ayaa yeeshay kulan looga hadlayay halka uu marayo barnaamijkan iyo sidii loo dardargalin lahaa barnaamijka Ethio-Coders oo ah qorshe loogu talagalay in dhalinyarada dalka laga caawiyo in ay helaan tababarro iyo xirfado casri ah.
Kulanka ayaa waxaa hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, waxaana diiradda lagu saaray, laguna qiimeeyay halka uu barnaamijkan marayo iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka dhalinyarada iyo sidii ay si wanaagsan uga faa'iideysan lahaayeen tababarrada iyo fursadaha la xidhiidha tiknoolajiyada iyo barnaamijka Ethio-coders, taasi oo ujeedadu tahay in dhalinyarada loo diyaariyo xirfado ay kaga qayb qaataan horumarka dunida casriga ah, gaar ahaan dhinaca teknoolojiyadda.