Waxaa la qabtay howlihii aasaaska muhiimka u ahaa dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Tamasgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Waxaa la qabtay howlihii aasaaska muhiimka u ahaa dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Tamasgen Tiruneh

Addis Ababa; Dharrabley/Tir 19/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Tamasgen Tiruneh ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay la qabtay shaqooyin dhidibada u taagay dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Raisul wasaare kuxigeenka ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada waxa uu ku yidhi''waxaan maanta qabanay bandhig iyo siminaar ku saabsan socdaalka isbadalka dhijitaalka ah ee Itoobiya iyo hindisayaasha".
Waxa uu sheegay in tan iyo maalintii uu isbedelku dhacay ee 2012kii ay dawladdu fulisay hawlo u sahlaya dalkeena in uu ka faa’iidaysto fursadaha horumarinta tignoolajiyada ee Istaraatiijiyada Digital Ethiopia 2025ka.
Wuxuu sheegay in iyadoo la ballaarinayo kaabayaasha dhijitaalka ah, nidaamka maaliyadeed iyo lacag-ku bixinta uu si xawli ah u korayo.
Waxa kale oo uu xusay inay kordheen ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee casriyaynta iyo digital-garaynta adeegyada dawladda.
Wuxuu xaqiijiyay in dowladdu ay sii wadi doonto shaqada ay billowday si howlaha isbeddelka dhijitaalka ah ay u noqdaan kuwo isku xiran, loo sugo, aysan u horseedin khasaare hantiyeed, loo xaqiijiyo faa'iidada muwaadiniinta.
Waxa uu sheegay in la dhamaystireyo hirgalinta isbadalka dhijitaalka ah ee ugu horeeyaysidok kale waxa uu tilmaamay in la dhamaystirayo diyaarinta Istaraatiijiyada Digital Ethiopia edition 2030 ee la fulin doono 5ta sano ee soo socota.
#WAKAALADA_WARARKA_ITOOBIAY
#ITOOBIYA