Ethio Engineering Group iyo Shirkadda Jukrova ee Turkiga ayaa kala saxeexday heshiis sahayda tignoolajiyada ee mishiinada dhismaha - ENA Af-Soomaali
Ethio Engineering Group iyo Shirkadda Jukrova ee Turkiga ayaa kala saxeexday heshiis sahayda tignoolajiyada ee mishiinada dhismaha
Addis Ababa; Xorrey/Tahsaas 12/2017 (ENA): Ethio Engineering Group iyo Shirkadda Jukrova ee dalka Turkiga ayaa kala saxeexday heshiis dhinaca teknoolajiyada ah oo ku saabsan mishiinnada dhismaha.
Waxaana heshiiskan u saxeexay madaxa shirkadda Ethio Engineering Group Ambassador Suleiman Dedefo iyo Maareeyaha Shirkadda Jukurova Mustafa Yapsi.
Heshiiskka qandaraasku waa in la bixiyo tignoolajiyada dhameystiran ee lagu soo saaro Crawler Excavator, Wheel Loader iyo Backhoe Loader mashiinada dalka.
Heshiiska qandaraaska ayaa lagu sheegay in 30 mashiin iyo qalab kale ay dalka keeni doonaan hay’adaha CKD iyo SK KD si loo bilaabo hirgelinta tignoolajiyada muddo gaaban gudaheed.
Waxa kale oo la sheegay in heshiiskani uu ka dhigi doono Ethio Engineering Group mulkiilaha farsamada (license) mishiinada dhismaha.
Abraham Belay (Dr.) oo ah guddoomiyaha guddiga maamulka shirkadda Ethio Engineering Group, ayaa ku nuux-nuux saday in heshiiska ay hay’addu saxeexday uu ka dhabayn doono ujeeddadii laga lahaa, sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loogu guulaysan lahaa.
Xogta aan ka helayno Shirkada ayaa sheegaysa in heshiiska ay goob joog ka ahaa wakiilo ka socday safaarada Turkiga ee Itoobiya, xubnaha guddiga iyo masuuliyiinta shirkada.