Si nidaamka dhijitaalku u ahaado mid madax-banaan, waa in amniga internet-ka fiiro gaar ah loo yeesho – Mudane Mamo Mehretu

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 20/2016T.I.(ENA): Si loo xaqiijiyo madax-banaanida nidaamka dhijitaalka ah, waa in fiiro gaar ah loo yeesho amniga internetka, ayuu yiri Gudoomiyaha Bangiga Qaranka ee Itoobiya, Mamo Mihratu.

Bandhiga Amniga  Internetka oo socon doona muddo bil ah ayaa ka furmay madxafja sayniska Addis Ababa iyadoo halkudheg looga dhigay "Ammaanka Kaabayaasha Muhiimka ah ee Madaxbanaanida Dijitalka".


 

Mamo Mihratu waxa uu sheegay in ammaanka internet-ka la siiyo fiiro gaar ah si loo ilaaliyo agabka dhijitaalka ah si buuxdana loo sugo ammaanka muwaadiniinta.

Waxa uu tilmaamay in si loo dammaanad qaado madax-bannaanida nidaamka dhijitaalka ah ee Itoobiya, in fiiro gaar ah loo yeesho ammaanka internetka.

Waxa uu xusay in kartida teknoolajiyada ee dhalinyaradu ay tahay in la horumariyo iyada oo laga caawinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay in ay ka ciyaaraan doorkooda laga filayo horumarinta tignoolajiyada internetka.


 

Agaasimaha Guud ee Maamulka Xogta iyo Amniga Shabakadda, Tigist Xamiid, ayaa sheegtay in marka la eego Qorshaha Istaraatiijiyadda Dijitalka ah ee Itoobiya, in ahmiyad gaar ah la siinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka internetka.

Waxay sheegtay in xuska bisha amniga internetka ay faa’iido weyn u leedahay kor u qaadista wacyiga muwaadiniinta, iyadoo xustay in la fashiliyay weeraradii dhanka Internetka ee lagu qaaday Itoobiya, lagana badbaadiyay khasaare balaayiin Birr ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015