Shaqooyinka horumarinta ee socda waxay kor u qaadayaan abuurista fursadaha shaqo- Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha - ENA Af-Soomaali
Shaqooyinka horumarinta ee socda waxay kor u qaadayaan abuurista fursadaha shaqo- Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Wasaarada Shaqada iyo Xirfadaha, Itoobiya ayaa sheegtay in shaqooyinka kala duwan ee horumarineed ee ka socda dalka ay si weyn uga qayb qaadanayaan abuurista fursadaha shaqo iyo xaqiijinta horumarka waara.
Wasaaraddu waxay ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa xirfadaha muwaadiniinta si loo ballaariyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo, iyadoo hirgelinaysa tallaabooyin dhowr ah.
Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Xirfadaha, Salamuun Sokaa, oo u waramay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA), wuxuu sheegay in nidaamka xogta suuqa shaqada ee Itoobiya la casriyeeyay si loo fududeeyo hubinta iyo xaqiijinta xirfadaha shaqo ee dibadda.
Wuxuu tilmaamay in gudaha dalka la abuuray jawi ku habboon oo lagu abuuro fursado shaqo, taasoo natiijooyin wanaagsan dhalisay.
Waxa kale oo uu xusay in shaqooyinka horumarinta heer qaran ay si weyn uga qayb qaadanayaan abuurista fursadaha shaqo.
Gaar ahaan, dhalinyarada ayaa ka faa'iidaysanaya baraha xirfadaha teknoolajiyadaha kuwaasoo dhan 5 milyan oo dhalinyaro ah, iyadoo lagu booriyay inay qaataan tababarradaas si loo kordhiyo baahida xirfadaha caalamiga ah.
Dhinacyada la xiriira ilaha horumarinta, kobcinta wax-soo-saarka xilliga xagaaga, iyo kobcinta warshadaha gudaha Itoobiya ayaa dhammaantood qayb ka ah dadaallada lagu abuurayo fursado shaqo.
Wuxuu sheegay in tababarro gaagaaban oo xirfadeed la bixinayo si ay looga faa'iidaysto fursadaha shaqo, taas oo fursad siinaysa muwaadiniinta inay ku horumariyaan xirfadahooda shaqo si heer caalami looga aqoonsado xorfadooda iyagoo helaya shahaadooyin heer caalami ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay tahay in muwaadin kasta uu ugu yaraan yeesho hal xirfad, si ay ugu fududaato inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee gudaha iyo dibadda.
Ugu dambayntii, waxa kale oo uu tilmaamay in hirgelinta qorshahan "hal badeeco, hal aag" iyo suuqgeynta wax-soo-saarka si loo abuuro bulsho isku dhafan oo awood dhaqaale iyo siyaasadeedba leh ay ka mid yihiin waxyaabaha xoogga la saarayo.