12 sano ka dib, Itoobiya waxay ku guulaysatay bilad maarta ah iyadoo ay heshay orodyahannad Ababa Aragaawi - ENA Af-Soomaali
12 sano ka dib, Itoobiya waxay ku guulaysatay bilad maarta ah iyadoo ay heshay orodyahannad Ababa Aragaawi
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 07/2016T.I.(ENA): Orodyahanad Ababa Argaawi oo orodka 1,500 mitir ku matalaysay dalka Itoobiya ciyaarihii Olombikada 2012 ee London, ayaa ku guulaysatay biladdeeda maarta ah 12 sano kadib.
Orodyahannada ayaa ku dhameystay tartanka kaalinta 5-aad ee orodka 1,500m ee haweenka ee lagu qabtay London 12 sano ka hor.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoydii kale ee ka qaybgashay natiijada tartanka ayaa guddiga Olombikada caalamiga ah uu buriyay natiijadoodii sababo kala duwan awgood.
Intaa ka dib, Orodyahannad Ababa oo xilligaas ku dhameysatay kaalinta 5-aad ayaa 12-sano kadib heshay bilada maarta ah ee ay dalkeeda u keentay, iyadoo gashay kaalinta saddexaad ee tartanka orodka 1,500m ee haweenka ee olombikadii 2012kii London.
Ugu dambayntii xogta aan ka helnay Wasaarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha ee JDFI ayaa sheegaysa in Orodyahannada ay billadda ku gudoontay Xafladdii xiritaanka Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris ee sanadkan.