Waxaa la tilmaamay in dowladdu ay si adag ula socon doonto dhismaha garoonka qaranka - ENA Af-Soomaali
Waxaa la tilmaamay in dowladdu ay si adag ula socon doonto dhismaha garoonka qaranka
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 6/2016 (ENA):- Waxaa la shaaciyey in xukuumaddu ay si adag ula socon doonto qaabka uu u socdo dhismaha Garoonka Qaranka ee(Adhey Ababa Stadium).
Wasiirka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Arrimaha Kaabineedka Alemsahay Paulos iyo Wasiirka Dhaqanka iyo Isboortiga Shewit Shanka ayaa kala hadlay xaalada guud ee garoonka, qandaraaslayaasha dhismaha, la taliyayaashaiyo khubarda.
Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dhismaha wajiga 1-aad ee garoonka iyo waxqabadka wajigii labaad ee howlaha guud.
Xogta ay ENA ka heshay Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha ayaa lagu sheegay in la isla meel dhigay in wejiga koowaad la sii xoojiyo, wajiga labaadna ay qabtaan Qandaraaslayaal wadani ah.
Waxaa la tilmaamay in dowladdu ay jiho ka bixin doonto howlaha dhismaha ee u baahan lacagaha qalaad, waxaana la tilmaamay in si dhow loola socon doono mashruucan.
Sidoo kale, masuuliyiinta labada hay’adood waxay kaloo booqdeen hannaanka dhismaha garoonka.