Hogaaminta Gobalka Afdheer ayaa samaysay dhir-beeris

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Hoggaaminta gobolka Afdheer, maamulka degmada Baarey iyo bulshada ku dhaqan degmada Baarey ayaa dhirbeeris qaybka ah barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo la rabo in si guud deegaanka laga beero 2.5 miyan oo geed ka sameeyay degmada Baarrey.


 

Maamulka gobolka, kuwa degmooyinka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo maalmihii u dambeeyay ka waday  xarunta gobolka iyo degmooyinkaba dhirbeeris loogu talo'galay dhaxalreebka cagaaran oo qaybka ah maalinta dhirbeerista qaranka oo loo asteeyay 17-ka bisha nahaase oo ku beegan maanta oo jimce ah si duud magaalooyinka degmooyinka iyo xarunta gobolka Afdheer waxaa si wadajira looga beeray 51,850 geed.


 

Gudoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre oo tilmaamaay in marka laga yimaado in dhirtan looga faa'iidaysan doono dhanka bilicda iyo quruxda deegaanka ay sidoo kale noqon doonto mid anfacda dadka iyo duunyadaba.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015