Dhul gariirka ku soo noqnoqday aagga Fantaalle ayaa cabsi ku beeray dadka deegaanka

Addis Ababa, Dharrabley/Tir 7/2017 (ENA): Degmadda Fentalle, gobolka Bariga Shawa, ee Oromiya ayaa dhul gariir uu ku soo noqnoqday iyadoo cabsi weyn ku beertay dadka ku nool agagaarka buurta Fentalle, sida warbixinta lagu sheegay.


 

Sida laga soo xigtay xafiiska warfaafinta ee degmada Fantaalle, dhul gariirkan ilaa iyo hadda wax khasaare ah ma uusan geysan, balse wuxuu cabsi xooggan ku abuuray dadka deegaanka, taas oo sababtay in qaarkood ay deegaanka ka cararaan.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in dhul gariirku uu weli socda, waxaana caawa fiidkii qaraxyo dhulgariir oo kale laga dareemay agagaarka Fantaalle.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015