Waxaa lagu dhawaaqay in 594 milyan oo geed la beeray maanta guud ahaan dalka

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Adeegga Xidhiidhka dawladda ayaa ku dhawaaqay in 594 milyan oo geed la beeray barnaamijka raadka cagaaran ee halkq maalin oo maanta ah tan iyo 12-kii subaxnimo la beerayay.

Barnaamijkan oo lagu beerayo 600 oo milyan oo geed hal maalin ayaa guud ahaan dalka laga wado maanta.

Wasiiru Dawlaha Adeega Xidhiidhka Dawladda Salaamaawiit Kaasaa ayaa sheegtay in maanta laga soo bilaabo waabarigii ilaa iyo gabal dhaca in guud ahaan la beeray 594 milyan oo geed.

Waxaana dhir beeristan laga sameeyey 8 kun, 454 goobood iyadoo ay ka qayb qaateen in kabadan 28 milyan oo qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015