Ka qayb galka firfircoon ee bulshadu waa muhiim si loo ilaaliyo nadaafadda magaalada – Jantiraar Abaay - ENA Af-Soomaali
Ka qayb galka firfircoon ee bulshadu waa muhiim si loo ilaaliyo nadaafadda magaalada – Jantiraar Abaay
Addis Ababa; Gudba/Hidaar 12/2017 (ENA): Ku xigeenka Duqa maamulka magaalada Addis Ababa Jaantirar Abaay ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada si magaaladu ay u noqoto magaalo bilic iyo soo jiidasho leh.
Mudane Jaantiraar ayaaa ka qayb galay barnaamijka ololaha nadaafadeed ee saaka ka qabsoomay guud ahaan magaalada Addis Ababa.
Waxaa barnaamijka ololaha nadaafadda si weyn uga qeyb qaatay madaxda iyo shacabka caasimadda.
ku xigeenka duqa magaalada Jantiraar Abay ayaa sheegay in nadaafadda deegaanka ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu abuuri karo bulsho caafimaad qabta.
Sidoo kale waxa uu xusay in guud ahaan magaalada ay ka socdaan howlo nadaafadeed oo lagu nadiifinayo magaalada iyo sidii ay bulshadu ugu nolaan lahaayeen magaalo nadiif ah.
Ugu dambayntii, waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo heli lahaa bulsho caafimaad qabta oo nadaafadda magaaladana ilaalisa