88 kun oo dhalinyaro ah ayaa ka qayb qaadan doonta tababarka dhijitaalka ah ee Coders-ka Itoobiya ee deegaanka Soomaalida - ENA Af-Soomaali
88 kun oo dhalinyaro ah ayaa ka qayb qaadan doonta tababarka dhijitaalka ah ee Coders-ka Itoobiya ee deegaanka Soomaalida
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 01/2016T.I.(ENA): Diwaan galinta ayaa 88,000 oo dhalinyaro ah oo ku nool deegaanka Somalida lagaga hawlgelinayaa tababarka barnaamijka coders-ka ee Itoobiya oo heer qaran ah.
Waxa uu tilmaamay in 300,000 oo dhalinyaro ah ay qaadan doonaan tababarka saddexda sano ee soo socota. Waxaa la dhisay ayuu yidhi laba guddi oo heer deegaan ah, kuwaasoo ay xubno ka yihiin khabiiro kuxeeldheer iyo maamulba iskuduwi doona shaqooyinka.
Gudigan ayaa waxaa gudoomiye u ah Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Ibrahim Cusmqan iyadoo ay ka mid yihiin xafiiska hal-abuurka iyo tignoolajiyada ee deegaanka, xafiiska shaqada iyo xirfadaha ee deegaanka, xafiiska waxbarashada, xafiiska kobcinta awooda iyo horumarinta cududa shaqaalaha deegaanka, xafiiska qorshaynta deegaanka, Shirkadda isgaadhsiinta ee Ethio-Telecom, adeega korontada iyo hay'addo kale.
Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada ee deegaanka Soomaalida ahna Xoghayaha Guddiga, Mudane Maxamuud Xuseen ayaa u waramay wakaalada wararka ee Itoobiya (ENA) isagoo sheegay in sanadkan aynu ku jirno la guda galayo diwaan galinta dhalinyarada ka qayb qaadan doonta tababarka lagu baranayo nidaamka isgaadhsiinta casriga ah oo ka kooban sadex mawduuc.
Diwaangalinta dhalinyarada ee “Ethiopian Coders Digital Training” waxa ay ka socotaa labada jaamacadood iyo afar iyo toban kuliyadood oo farsamada gacanta ah ilaa iyo haddana waxaa isdiwaangalisay laba kun oo dhalinyaro ah.
Wuxuuna sheegay in loo diyaar garoobayo sidii dhalinyarada aan sababo kala duwan uga qayb gali karin tababarkan ay ugu gali lahaayeen kuliyadaha farsamada gacanta iyo sidoo kale Jaamacadaha kala ah Qabridahar iyo Jigjiga.
Wuxuuna sheegay in tababarkan uu dhalinyarada u sahli doono in ay ka faa’ideystaan farsamada casriga ah si kor loogu qaado wax soo saarkooda dhinac walba ah.
Waxaa uu sheegay in 88,000 oo dhalinyaro ah ay ka qaybqaadan doonaan tababarka dhijitaalka ah ee coders-ka Itoobiya ee sanad miisaaniyadeedkan.
Waxa kale oo uu xusay in hogaanka sare ee deegaanka uu degmo kasta ka wado olole lagu hubinayo fahamka bulshada iyo ka qaybgalka si dedaalka guddigu ugu guulaysto tababarka.
Waxa uu tilmaamay in todobaad walba ay si gaar ah ula socon doonaan waxqabadka iyo geedi socodka tababarka barnaamijkan, isagoo dhanka kalena sheegay in dhalinyarada laga dhigayo in ay ka faa’ideystaan tababarkan.
Tababarka dhijitaalka ah ee Coders-ka Itoobiya ayaa diiradda saaraya xirfadaha aasaasiga ah ee dhijitaalka ah sida barnaamijyada webka, horumarinta Androidka, falanqaynta xogta iyo sirdoonka macmalka ah, shan milyan oo dhalinyaro ah ayaan ka qayb qaadan doona guud ahaan dalka saddexda sano ee soo socota.
Ugu dambayntii barnaamijkan ayaa waxaa fulinaya oo iska kaashanaya Iskutaga Imaaraadka Carabta iyo dowladda Itoobiya, dhawaan ayayna ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed uu si rasmi ah uu u daah-furay 16-kii Afagaal, 2016-kaT.I.