Orodyahanka Tamrat Tola ayaa ku guuleystay biladii ugu horeysay ee dahabka Olambijadada ee Paris - ENA Af-Soomaali
Orodyahanka Tamrat Tola ayaa ku guuleystay biladii ugu horeysay ee dahabka Olambijadada ee Paris

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 04/2016T.I.(ENA): Orodyahann Tamrat Tola ayaa ku guulaystay bilada dahabka ah ee Itoobiya markii ugu horaysay ee orodka marathon-ka ee ragga ee ciyaartii 33-aad ee Olombikada ka dhacaya Paris.
Tamrat ayaa jabiyay rikoorka Olombikada isagoo orday 2 saac 6 daqiiqo iyo 26 ilbiriqsi.
Orodyahanka Dharesa Geleta ayaa ku dhameystay kaalinta shanaad halka uu kaalinta 39-aad galay ruug cadaaga weyn ee Qananiisaa Baqala.