Dunida maanta xawliga ku socota, ku lug yeelashada waxbarashada joogtada ah iyo horumarinta xirfada ayaa aad muhiim ugu ah waligeed – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Dunida maanta xawliga ku socota, ku lug yeelashada waxbarashada joogtada ah iyo horumarinta xirfada ayaa aad muhiim ugu ah waligeed – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 06/2016T.I.(ENA): Dunida maanta ayaa ah mid xawli badan ku socota, ku lug yeelashada waxbarashada joogtada ah iyo horumarinta xirfadaha ayaa noqotay mid aad uga muhimsan sidii hore, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (PhD).
Fariin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay in la diyaariyay barnaamij ay ka faa'iidaysanayaan shan Milyan oo qof oo noqonaya Coders, taasoo dhammaan ardayda, aqoonyahanada, dhalinyarada, iyo kuwa u hanqal taagaya in ay dalka iyo dibadda ka abuuraan saameyn wanaagsan. iyaga ka faa'iidaysanayaan aqoon ku dhisan teknoolajiyad.
Waxa uu sheegay in iyadoo aan loo eegin aqoontaada gaarka ah iyo heerkaagaba, waxaa la idiin furay albaab ballaaran oo fursad u ah qof kasta oo doonaya inuu horumariyo xirfaddiisa ama uu barto wax cusub.
Dhammaan xirfad-dhisayaasha Itoobiya, barayaasha, kuliyadaha iyo jaamacadaha waxa loogu baaqayaa ayuu yidhi inay taageeraan barnaamijkan iyo hawlihiisa.
Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhambaalkiisa sidoo kale ku sheegay in xooga iyo awooda Itoobiya ay ku dhisan tahay horumarkiina.
Iskaduwaangali barnaamijkan mareegtan: 👉 http://www.ethiocoders.et/