Halyeyga Orodyahanka ah ee Taamraat Tolaa ayaa u mahadceliyey Orodyahan Siisaay Lamaa

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 07/2016T.I.(ENA): Taamraat Tolaa oo ah halyeygii ku guulaystay bilada dahabka ah ee orodka marathon-ka ee raga ee ciyaarihii olombikada Paris 2024, ayaa u mahad celiyay Orodyahan Siisaay Lamaa oo u ogolaaday inuu ka qayb galo tartanka.

Tamrat Tola waxa uu sidaasi ka sheegay madashii lagu soo dhawaynayay waftigii iyo orodyahannadii Itoobiya ee ku guulaystay kana qayb gashay ciyaarihii Olombikada Paris markii ay saaka soo gaadheen magaalada Addis Ababa.

"Orodyahan Siisaay Lamaa waa walaalkay!  Waxaan wada soconay ilaa iyo Addis Ababa.  Orodyahanka ayaa sheegay inaysan xaaladiisu caafimaad fiicnayn.  Waxaan uga mahadcelinayaa fursadda uu ii siiyey inaan ciyaaro, isagoo tilmaamay inaysan ahayn inuu qarsado xanuunkiisa oo uu ordo” ayuu yiri Orodyahan Taamraat Tolaa.

Ugu dambayntii Ciyaaraha Olombikada Paris ee 33-aad ee sanadkan 2024, Itoobiya waxay aruursatay 4 biladood oo kala ah 1 Dahab ah iyo 3 qalin ah, waxayna ku dhameysatay ciyaarta kaalinta 47-aad ee adduunka iyo kaalinta 4-aad ee qaarada Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015