Waxaa saaka intii uu waagu baryay ilaa iyo hada la beeray 157 milyan oo geed- Adeega Xidhiidhka Dawladda ee JDFI - ENA Af-Soomaali
Waxaa saaka intii uu waagu baryay ilaa iyo hada la beeray 157 milyan oo geed- Adeega Xidhiidhka Dawladda ee JDFI
Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Waxaa la shaaciyay in ilaa hada la xaqiijiyay in la beeray 157 milyan oo geed guud ahaan dalka.
Barnaamijkan dhir-beerista ayaa ka socda guud ahaan dalka.
Wasiiru Dawlaha Adeegga Isgaarsiinta Dowladda Salaamaawiit Kaasaa ayaa warsaxaafadeed ku saabsan barnaamijkan siinaysa warbaahinta.
Waxay xaqiijisay in 157 milyan oo geed la beeray ilaa iyo hada, sida ay xog ururinta guddiga sheegayso.
Dhawaan ayay ahayd in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ku baaqay in su weyn looga qaybqaato barnaamijkan, usagoo yidhi aan si guud dhamaanteen uga wada tagno raadkeena cagaaran, hadii aan midowno waxaan qaban karnaa wax badan.