Dadweynaha magaaladu waxay si mug leh uga qayb qaadanayaan barnaamijka Raadka-cagaaran ee halka maalin oo ka socda magaalada Addis Ababa- Duqa magaalada Adhaanaj Abebe - ENA Af-Soomaali
Dadweynaha magaaladu waxay si mug leh uga qayb qaadanayaan barnaamijka Raadka-cagaaran ee halka maalin oo ka socda magaalada Addis Ababa- Duqa magaalada Adhaanaj Abebe
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 17/2016 (ENA):- Maayarka magaalada Addis Ababa, Adanech Abebe, ayaa sheegtay in dadweynaha magaaladu ay si balaadhan uga qayb-qaadanayaan barnaamijka Raadka-cagaaran ee halka maalin oo ka socda magaalada Addis Ababa.
Barnaamijkan ayaa laga fulinayaa magaalada Addis Ababa 168 goobood oo Laga beerayo dhirta oo ku yaal 250 hektar oo dhul ah, ayay maayarku ku sheegtay farriin ay soo dhigtay boggeeda baraha bulshada.
Waxa ay tilmaamay in shacabka magaalada ay aqbaleen baaqaasi, islamarkaana ay saaka u baxeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen beerista dhirta barnaamijka Raadka Caggaaran.
Waxa ay sheegtay in diblumaasiyiin, safiiro, culumaa’udiin, , caruur, dhalinyaro, maalgashadayaal iyo masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ay ka qeyb qaadanayaan dhir beerista,
600 oo milyan oo dhir ah oo Hal maalin kaliya laagu beeri doono, 6 milyan Addis Ababa, ayuu yiri duqa magaalada.
Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu Naaf/Nahaase 17, 2016 ku baaqay in bulshadu si firfircoon uga qayb qaadato beerista 600 oo milyan oo geed hal maalin.