Aan ka tagno Raadkeena cagaaran, oo aan samayno shaqo wanaagsan oo anfaca dhammaan basharka – Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa - ENA Af-Soomaali
Aan ka tagno Raadkeena cagaaran, oo aan samayno shaqo wanaagsan oo anfaca dhammaan basharka – Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa
Addis Ababa; Naaf/Nahaase 17/2016 (ENA):- Madaxweynaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya Sheeh Xaaji Ibraahim Tufa ayaa sheegay in dhammaanteen aynu ka tagno raadkeena cagaarka ah, isla markaana aynu samayno shaqo wanaagsan oo anfacaysa dhammaan aadamaha.
Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, Madaxweynaha Golaha Sare; ayaa dhir beeris Barnaamijka Raadka caggaaran ka fuliyay mashruuca kaynta ee degmada 5- ee magaalo hoosaadka Yeka.
Waxa uu yidhi in arrinta Dhirta iyo Qurxinta deegaanka ay tahay waa mid saaran dhammaan bani’aadamka, sidaa darteed aan dhammaanteen aan sameyno shaqo wanaagsan oo waxtar u leh aadanaha oo dhan innaga oo ka qayb qaadanaynaa barnaamijka raadka cagggaaran.
Maalinta Barnaamijka Raadka Cagaaran Muwaadiniintu waxay Reebaan raadkooda meel kasta, dhamaan caruur ilaa dadka waaweyn.
Barnaamijku wuxuu bilaabmay subaxdii wuxuuna socdaa ilaa socon doonaa illaa maqribka, iyo dadka waaweyn waxay beerayaan in ka badan 20 geed; caruurtu waxa la filayaa in ay beeraan in ka badan 10 geed.
Sida ku cad horumarka la samaynayo, qorshaha lagu beerayo 600 milyan oo geed hal maalin guud ahaan dalka oo dhan ah caawa ayaa la filayaa in si guul ah loo soo gabagabeeyo.