Barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo laga fuliyay xarunta gobolka Siti ee magaalada Shiniile

Addis Ababa, Naaf/Nahaase, 17/2016T.I.(ENA): Maamulka gobolka Siti, degmada Shiniile, jaamacada Diridhabe, ciidamada booliska fadaraalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Shiniile ayaa saaka aroor horeba iska xaadiriyay dugsiga sare ee Ugaas Xasan Xirsi, badhtamaha wadada cusub ee dhex marta magaalada Shiniile iyo dugsiga Fandhaale oo loogu talo'galay in laga beero noocyada kala duwan ee dhirta oo qayb ka ah barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo maanta deegaanka laga beerayo 2.5 milyan oo geed.


 

Qorshaha dhaxalreebka cagaaran oo ah hindisaha Ra'iisulwasaare Abiy Axmad 5 sano ka hor ayaa ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay waxa uu yahay yareynta halista ka dhalata isbadalka cimilada iyo abuurida jawi lagu gaadho iskufilaansho cunto.


 

Waxaana xusid mudan in sidoo kale barnaamijka dhaxalreebka cagaaran si habsamileh uga bilaabay 11-ka degmo ee goboka Siti.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015