Sanduuqa Global ayaa ku dhawaaqday in ay shaqo macno leh ka qaban doonaan cudurka Qaaxada(Dhaxanta/TB) - ENA Af-Soomaali
Sanduuqa Global ayaa ku dhawaaqday in ay shaqo macno leh ka qaban doonaan cudurka Qaaxada(Dhaxanta/TB)
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram, 28/2016T.I.(ENA): Global Fund ayaa shaacisay in ay shaqo macno leh oo ku saabsan Qaaxada ka qaban doonto Itoobiya.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdhas Dhaabaa ayaa kulan la yeelatay xafiiska Itoobiya ee sanduuqa Global kulankaas oo ku saabsanaaa waxqabadka wareegii 6-aad ee sanduuqa caalamiga ah iyo bilawga rubuci hore ee wareegga 7-aad.
Deeqdan waxaa loogu talagalay duumada, HIVga, Waxay taageeraysaa ka-hortagga iyo xakamaynta Qaaxada/dhaxanta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka.
Ka dib markii ay dhammaatay deeqdii wareegga 6-aad ee saddexda sano ahayd bishii agaali, deeqda cusub ee wareegga 7-aad waxay bilaabatay Afagaal 2016, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka.
Dr. Maqdhas Dhaabaa ayaa intii kulanku uu socday waxa ay xustay in sanduuqa 6-aad uu soo bandhigay waxqabad aad u wanaagsan iyadoo sheegtay in ay qabteen shaqooyin tusaale u noqon kara wadamada kale.
Sanduuqa cusub ee Global qaybtiisa 7aad, lacagta deeqda ah ayaa laga soo wareejiyay sanduuqa Global iyadoo loo wareejiyay Itoobiya waqtigii loogu talagalay.
Dr. Maqdhas ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in Sanduuqa Caalamiga ah uu kaalmeynayo wareeggii 7-aad ee deeqaha, iyadoo sheegtay in iyadoo casharro laga baranayo waxqabadkii hore loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii waxqabad badan uu u gaari lahaa wareegan.
Maareeyaha sanduuqa Global ee Itoobiya Dr. John Sakafariliyaas ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay waxqabadka wareeggii 6-aad ee deeqaha sanduuqa Global, wuxuuna codsaday in wareega 7-aad ee deeqaha sidan oo kale loo sii wado.
Waxa uu tilmaamay in kororka dadka uu soo ritay cudurka duumada lagu xisaabtami doono, waxa uuna sheegay in sidoo kale shaqo macno leh laga sameyn doono cudurka qaaxada/dhaxanta(TB-da).