Dhul-gariirkii hore ee ka dhacay Itoobiya ayaan geysan khasaare xooggan

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram, 30/2016T.I.(ENA): Machadka Juquraafiyada ee Itoobiya ayaa sheegay in waligeed aysan geysan khasaare xoogan dhulgariirkii ka dhacayay deegaannada dooxiiyinka iyo nawaaxigeeda ee dalka Itoobiya

Dhul-gariir, dhul go’, foolkaanooyin, Sunaami, iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah ayaa ah kuwa dunidu soo waajaha.

Dhulgariirku waa masiibo dabiici ah oo lama filaan ah oo dhacda marka dhagaxyada dhulka ku yaal ay isku dhacaan ama kala baxaan.

Dhul-gariir iyo wixii la halmaalaba waxay sababeen masiibooyinka adduunyo ee kala duwan oo isugu jira burbur hantiyeed iyo khasaare nafeed.

Marka loo eego nidaamka taariikheed ee Yurub, dhulgariirkii 1960-kii ka dhacay ka Jile oo cabirkiisu ahaa 9.5 cabirka waa dhulgariirkii ugu xumaa uguna waynaa ee dhulka.

Ijara Tesfaye, oo ah Agaasimaha Guud ee Machadka Juquraafiyada ee Itoobiya oo ENA uwaramay ayaa sheegay in Itoobiya oo ah meesha uu ku yaallo dooxada Rift, ayaa dhowr jeer ay la kulanray dhulgariir.

In kasta oo aanu sababin khasaare ba’an, haddana waxa 1900-kii dhacay dhul-gariir cabbirkiisu ahaa 6.7, Magnitiyudh, iyadoo sannadkii 1909-kii 6.8 magnityudh uu dhacay iyadoo sidoo kalena dhulgariirkii dhacay sannadkii 1961-kii uu cabbirkii ahaa 6.5.

Waxa uu sheegay in masiibooyinka Juquraafiyadeed oo ay ka mid yihiin dhulgariirku aanay ka dhalan habaar iyo cadho, balse dhulku uu qabanayo shaqadiisa dabiiciga ah.

Haddaba, mar haddii ay Itoobiya tahay meel ay ku yaalaan dooxooyin badan, waxaa dhici karta in ay dhacaan masiibooyinka juqraafiyeed, isagoo sheegay agasimuhu in loo baahan yahay in laga digtoonaado oo loo diyaargaroobo.

Inkasta oo aan la ogaan karin goorta uu dhulgariir dhici karo, waxa uu sheegay in ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sidii ay hay’ad ahaan u heli lahaayeen xog habeysan.

Ganat Asafaa, Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista juquraafiyada ee Machadka Juquraafiyada Itoobiya ayaa sheegtay in dhulgariirku ay ka dhalan karaan isku dhacyo iyo kala go’a dhagxaanta, Folkaanaha, Qaraxyada Kiimikada iyo Nukliyeerka iyo sababo ay dadku sameeyaanba.

Waxa uu ku micneeyay dhulgariirada ka dhaca dalka Itoobiya in ay ka dhashaan isku dhacyada folkaanaha iyo dhagxaanta.

Waxa ay sheegtay in cabirka dhulgariirka uu ahaa 4.9 Richter Scale kaasoo dhanaa 10KM qasaarahana uu yar yahay.

Waxa ay xustay in kadib dhulgariirkii ka dhacay Fantaale uu soo gaadhay magaalooyinka Addis Ababa, Dhase, Casaba Tafari iyo meelo kale.

Ugu dambayntii, Isra Taadhasa, oo ah cilmi-baare sare oo Jiquraafiyadda ah oo ka tirsan machadka, ayaa sheegay in marka ay bulshada soo wajahdo dhulgariir ay tahay in ay isdejiyaan oo ay ka fogaadaan meelaha ay halista ka iman karto.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015