War-saxaafadeed kasoo baxay Komishinka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 04/2016T.I.(ENA): Komishinka wada tashiga qaran ee Itoobiya oo wada wareegii u danbeeyay ee uruurinta Ajandayaasha deegaanka Soomalida  ayaa maanta wasaxafadeed ku qabtay magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka.

Komishineer kamid ah Komishineerada Komishinka wadatashiga qaran ee dalka, komishineer Malaaku Waldhamaariyam ayaa war-saxafadeedka ku saabsan ajanda ururinta siiyay warbaahinta isagoo sheegay in Wadatashiga qaran  uu ka socdo dhamaan  deegaanada dalka marka Laga reebo deegaanka Tigray iyo qeybo kamid ah deegaanka Axmaarada.

Komishineerka ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida ay wadatashiga ka qayb galayaan dad gaadhaya 3kun oo qof oo 2 kun ka mid ah ay yihiin ka qeybgalayaal, Halka Kun(1,000) qofna ay ka iman doonan bahwadaagta, iyadoo ay dadkani ka iman doonan dhamaan 95 dagmo 6 maamul magaalo iyo 4 maamul magaalo hoosaad ee magaalada Jigjiga. 

Komishneerka ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka ku sheegay in wadatashigan lagu qabanayo  magaalada Jigjiga ay ka qeybgali doonan wakiilada ka kala socota Gobolada Faafan ,Jarar ,Erar , Siti , Doolo iyo 4 maamulta magaalo ee Jigjiga, Qabribayax , Wajaale iyo Dhagax-buur waxaana ka qayb galaya dad tiradoodu dhantahay 1,000 qof.


 

Halka Magaaalada  Goday loogu qaban doono wakiilada ka socda Gobolada Qorraxay, Shabeele, Nogob, 4 Degmo oo ka mid ah gobolka afdheer iyo labada maamul magaalo ee Godey iyo Qabridahar, waxaana ka soo qaybgali doona wakiilo dhan 650 qof.

Komishineer Malaaku, ayaa dhinaca kale sheegay in Magaalada Doolo-Caddo wadatashigu loogu qaban doono wakiilada ka imaanaya Gobolada  Liibaan, Dawa iyo 6 Degmo oo kamid ah  Gobolka Afdheer waxaana ka qayb gali doona dad gaadhaya 350 qof. 

Komishineerku ayaa sidoo kale sheegay in wakiilada kasocda Godey iyo Dollow-Addo aay iman doonaan magaalada jigjiga maalmaha Khamiista iyo Jimcaha 9ka, Dirir/2017 T.I, si ay Ajandayaashooda ugu daraan kuwa jigjiga jigjiga kasoo baxay.

Dhanka kale komishneerka ayaa sheegay in maalinta Sabtida ee 10, Dirir/2017 T. I., la qaban doono dooda ay soo jeedin doonaan xubnaha bahwadaagta ah ee ka imaan doonaa dhinacyada kala ah: Qaybaha bulshada, Ururada siyaasada, Golaha hawlu fulinta xukuumada, Ururada rayidka ah, iyo shakhsiyaadka saamaynta leh.
Waxayna ka doodi doona Ajandaayaashii laga soo uruuriyay sadexda goobood ee lagu qabatay wadatashiga ergooyinka. 


 

Ugu danbayntii komishineerka ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay in ay si fir-fircooni leh uga qayb qaataan isla markaana soo gudbiyaan wixii ay tabayaan ee ka guuxaya maskaxdooda iyo quluubtoda. 

Ugu dambayntii, saxaafada ayaa dhinaca kale loogu baaqay in ay doorkooda ka qaatan wacyi galinta bulshada iyo fahanka ku aadan wada tashiga qaran ee dalka .

Wakaalada Warka Itoobiya
2015