Roobabka waddamada Bariga Afrika ayaa la filayaa inay socon doonaan siddeedda maalmood ee soo socda

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 06/2016T.I.(ENA): Hay’adda Xogta Cimilada ee Bariga Afrika ayaa shaacisay in 8-da maalmood ee soo socota ay sii socon doonto roobabka ka da'aya dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in roobab ka badan kuwa caadiga ah ay ka da’ayaan dalalka Bariga Afrika gaar ahaan bariga Itoobiya, Uganda iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in roobab dhexdhexaad ah laga filayo Koonfur Galbeed Suudaan, Koonfurta iyo Bartamaha Itoobiya iyo dhanka Koonfureed ee Eritrea.

Waxay shaaciyeen in waqooyi-galbeed ee Tanzania iyo xeebaha iyo galbeedka Kenya ay heli doonaan roobab isku mid ah.

Sida xogta aan kuhelayno, waa in la digtoonaado, maadaama ay dhici karto fatahaado iyo dabeylo ka dhasha roobabka ka da'aya bariga Itoobiya iyo Uganda ee waqooyiga iyo koonfurta dalka.


 

Haddaba, dadka ku nool deegaannadaas waxaa la gudboon inay ka digtoonaadaan fatahaadaha iyo dhul go’a iman kara, sida xogta lagu sheegay.

Siddeeda maalmood ee soo socota ayaa la filayaa in roobab fudud iyo kuwo mahiigaan ah ay ka da’aan qaar ka mid ah deegaanada Itoobiya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.

Adeegga Macluumaadka Cimilada ee Bariga Afrika (ICPAC) ayaa ah hay'ad goboleed ka shaqaysa saadaasha hawada iyo cimilada hawlaha kale ee la xiriira iyadoo hoos tagta urur-gobaleedka IGAD.

Machadka Saadaasha Hawada Itoobiya ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in dhacdooyinka cimilada ee roobabku ay si wanaagsan looga dareemi doono koonfurta, bariga, koonfurta-galbeed iyo galbeedka dalka.

Sidoo kale waxaa la xusuustaa in roobabku ay ka sii socon doonaan Galbeedka, Koonfur Galbeed iyo Bariga dalka oo ay roobabku ka da’aan xilliyada jiilaalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015