Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha ayaa doonayo inuu xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Itoobiya

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 06/2016T.I.(ENA): Waxay shaaca ka qaadeen in Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ay ka shaqayn doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ay la leeyihiin Itoobiya.

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Ergoge Tasfaaye (Dr.) ayaa kulan la qaadatay Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga iyo Galbeedka Afrika, Liidhiya Sigomo.

Wasiirada ayaa sheegtay in dowladdu ay ku dadaaleyso sidii loo heli lahaa sinnaanta ragga iyo dumarka iyo sidii haweenka loo xoojin lahaa si ay uga qeyb qaataan ugana faa’ideystaan ​​si siman dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa ay sheegtay in dib-u-habeyn lagu sameynayo siyaasadda si wax looga qabto caqabadaha ka hor-tagga, ka jawaabista, iyo awood-siinta haweenka oo ku saleysan xad-gudubyada ku saleysan jinsiga iyo dhaqamada xun xun.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in wasaaraddu ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso hay'adda si looga hortago tacadiyada ka dhanka ah jinsiga, guurka degdega ah iyo gudniinka fircooniga ah iyo howlaha diiradda lagu saarayo dhalinyarada.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga iyo Galbeedka Afrika, Liidhiya Sigomo, ayaa dawladda Itoobiya ugu hambalyaysay aqoonsiga caalamiga ah ee ay Itoobiya ku heshay dedaalka ay ugu jirto ka hortagga guurka carruurta iyo gudniinka fircooniga ah.

Waxayna tilmaantay in hay’addu ay diyaarinayso barnaamij shan sano ah oo diiradda lagu saarayo nidaamka jinsiga iyo arrimaha kale ee bulshada oo la xiriira qorshaha horumarinta wasaaradda ee 10-ka sano iyo himilooyinka horumarineed ee waara.

Sida ay sheegayso xogta aan kahelayno wasaarada haweenka iyo arimaha bulshada JDFI, masuuliyiinta hay’ada ayaa sheegay in ay kawada shaqayn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta iyo hirgalinta qorshayaasha u dajisan dhanka tayaynta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015