Munaasibad lagu soo bandhigayay waxsoosaarka iyo isbadellada laga sameeyay xerada hoyga agoonta Marmaarsa ee degmada Shiniile ayaa ka qabsoomay gudaha xaruntaasi - ENA Af-Soomaali
Munaasibad lagu soo bandhigayay waxsoosaarka iyo isbadellada laga sameeyay xerada hoyga agoonta Marmaarsa ee degmada Shiniile ayaa ka qabsoomay gudaha xaruntaasi
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 12/2016T.I.(ENA): Munaasibadan oo sanadkiiba hal mar la qabto ayaa lagu soo bandhigay waxsoosaarka kala duwan ee ka baxa beerta xerada agoomaha ee Marmaarsa iyo isbadelka laga sameeyay xarunta agoomaha.
Xerada hoyga agoonta Marmaarsa ayaa dhidibada loo taagay sanadkii 2017-ka G.C, taas oo ka dhigaysa in xaruntu hadda jirto muddo 8 sano ah. Waxayna xaruntu ka kooban tahay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin dugsiga barashada cilmiga maadiga ah oo lagu dhigo manhajka waxbarasho ee dalka, dugsiga barashada culuumta shareecada Islaamka, hoyga jiifka iyo daryeelka ardayda ku xaraysan iyo beerta oo ah mid ay ku yaalaan khudaarta noocyadeeda kala duwan.
Munaasibadan oo si gaar ah loogu soo bandhigayay waxsoosaarka beerta xaruntan agoomaha ee Marmaarsa ayaa aas aasihii xarunta Maxamed Macalin Cusmaan oo waraysi kooban siiyay SRTV sheegay in hadafka iyo yoolka ay hiigsanayaan yahay in la soo saaro dhalinyaro waxbarasho tayo leh ku hubaysan oo ka kala timid dhammaan gobollada Deegaanka.