Waxaan baadhaynaa sababta keentay dabkii ka kacay suuqa Markaato gaar ahaan aaga Shamaa - Booliska Addis Ababa

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 12/2016T.I.(ENA): Booliska magaalada Addis Ababa ayaa shaaca ka qaaday in ay baarayaan waxa sababay dabka ka kacay suuqa Markaato gaar ahaan aaga Shamaa.

Booliska Addis Ababa ayaa sheegay in fiidnimadii xalay taariikhduna ahayd 11-kii Dirir, 2017T.I. in ay khasaare hantiyeed soo gaadhay dab ka kacay xarunta ganacsiga ee Shamaa ee suuqa weyn ee markaato ee magaalada Addis Ababa.

Booliska Addis Ababa ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen baaritaan ay iska kaashanayaan kooxda dambi baarista ee Booliska Federaalka si ay u baaraan sababta shilka.

Booliska Federaalka iyo kuwa Addis Ababa, Ciidamada Difaaca, Ilaalada gaarka ah ee Jamhuuriyada, Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Madaxda Maamulka Magaalada, Qaabdhismeedka Nabaddgalyada iyo Amniga, Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya iyo hay'ado kale ayaa si weyn uga shaqeeyey sidii looga hortago masiibadaas. Iyada oo ay hay’aduhu dadaal badan u galeen sidii ay uga hortagi lahaayeen in khatartu ay sii balaadhato.

Waxa ay tilmaameen in uu baaritaan lagu hayo 33 eedeysane oo galay fal-dembiyeed xatooyo ah iyagoo ka faa'iidaysanaya shilkaasi, waxaana shilkaas uu ka soo gaaray dhaawac fudud 7 qof iyo 2 qof oo dhaawac halis ah.

Booliska ayaa u mahad celiyay laamaha amniga iyo hay’adaha kale iyo sidoo kale bulshada aaga oo gacan ka geystay ka hortagga musiibadan.

Ugu dambayntii, Booliska Addis Ababa ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin masiubadan, waxayna sheegeen inay mustaqbalka soo bandhigi doonaan natiijada baaritaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015