Waxaa gacanta lagu dhigay alaabo kontarabaan ah oo qiimahoodu ka badan yahay 428 milyan oo birr

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 13/2016T.I.(ENA):Sida lagu sheegay kormeer ay Guddida Jibriyadu sameeyeen intii u dhaxaysay 1-dii ilaa 07-kii Dirir 2017-ka, waxa la xaqiijiyay in la qabtay Alaabo Kontarabaan ah oo qiimahooda lagu qiyaasay in ka badan 428 Milyan oo Birr.


 

134.3 milyan oo Birr oo ka mid ah badeecadahan ayaa si kontarabaan ah loiga saarayay dalka, iyadoo sidoo kale waxaa la qabtay alaab kontarabaan ah oo dibadda  laga keenay taaso dhanayd 294.6 milyan oo birr.


 

Waxyaabaha koontarabaanka ah ee la qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa dhar, Elektaroonik, Qalab dhismo, bun, qalabka Gawaarida, waxyaabaha la isku qurxiyo, Jaad, Daroogo, Daawooyin, Saliida cuntada, Gaadiid kala duwan iyo Lacago Qalaad.


 

Xogta Komishanku waxay sheegaysaa in Xafiisyada Jibriga ee Hawassa, Mooyaale iyo Diri Dhaba ay hormuud ka yihiin xakamaynta dhoofinta iyo soo dejinta koontarabaanka iyagoo dabagal sameeyey wakhtigaas kor ku xusan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015