Maalgashadayaasha Malaysia ayaa sheegay inay doonayaan inay maalgashadaan Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Maalgashadayaasha Malaysia ayaa sheegay inay doonayaan inay maalgashadaan Itoobiya
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 15/2016T.I.(ENA): Maalgashadayaasha Malaysia ayaa shaaciyay inay doonayaan inay maalgashi ku sameeyaan dhinacyo kala duwan oo Itoobiya ah.
Waftiga Itoobiya ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Malaysiya ayaa kulan la qaatay ganacsatada dalkaasi.
Waftiga ayaa sharaxaad ka bixiyay fursadaha maalgashi ee wanaagsan ee ka jira Itoobiya, gaar ahaan wax soo saarka, warshadaynta beeraha, dawooyinka, dharka iyo maryaha, macdanta iyo dhismaha.
Waxa ay sidoo kale sharaxaad ka bixiyeen fursadaha maalgashi ee Itoobiya, waaxyaha mudnaanta leh iyo dib u habeynta lagu sameeyay si loo abuuro jawi maalgashi oo wanaagsan.
Xubno ka tirsan ganacsatada dalka Malaysiya ayaa shaaca ka qaaday inay wefti ganacsato ah u diri doonaan Itoobiya kuwaasoo soo indha indhayn doona fursadaha maalgashani ee dalka Itoobiya.
Xogta laga helay shirkadda horumarinta seerayaasha warshadaha ayaa tilmaamaysa inay ka shaqayn doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa is-dhaafsiga maalgashiga labada dal.