Mudane Axmed Shide ayaa kulan ku saabsan xiriirka labada dal la yeeshay Danjire Molli Fii oo ah kaaliyaha wasiirka arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 15/2016T.I.(ENA): Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, ayaa kulan ku saabsan xiriirka labada dal la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, Danjire Molli Fii iyo kaaliyaha maaliyadda Mareykanka ee arrimaha caalamiga ah, Brent Nimaan.


 

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulankiisani uu barbar socday shir sanadeedka 2024-ka ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.


 

Mudane Axmed Shide waxa uu sharraxaad ka siiyey mas’uuliyiinta Maraykanka hannaanka dib-u-habaynta dhaqaale ee dawladda iyo taageerada muhiimka ah ee laga filayo bah-wadaagta horumarineed ee ku aaddan hannaanka guud ee G20.


 

Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa bogaadiyay howlaha dib u habeynta ee dowladda iyo guulaha laga diiwaan geliyay, Waxay xaqiijiyeen inay lasocon doonaan wada xaajoodka deymaha madax banaan ee caalamiga ah ee ku saabsan gorgortanka maaraynta deynta.

Ugu dambayntii, labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan leh, oo ay ku jirto iskaashiga Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015