Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la yeeshay Guddiga Sare ee Caymiska Caafimaadka Bulshada

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 18/2016T.I.(ENA): Guddiga ayaa laga dhagaystay Warbixintii waxqabadka Sannadkii 2016T.I iyo qorshaha sanadkan 2017-ka.


 

Kulankan intii uu socday waxaa lagu lafaguray qodobbadan:-

1. Dhagaysiga warbixinta waxqabadka caymiska caafimaadka bulshada.

2. Wax ka beddelka qaadhaanka sanadlaha ah ee caymiska caafimaadka, iyadoo lagu saleynayo awoodda dhaqaale ee qoyska.

3. Nidaamka isku uruurinta qaadhaanka heer deegaan iyo heer gobol.

4. Hormarinta khidmada adeeg-bixiyayaasha goobaha caafimaadka.


 

Adeegga Caysmiska Caafimaadka bulshada oo sanadkii tagay laga hirgaliyay 32 degmo oo katirsan deegaanka ayay ka faa'iidaysteen bulsho kor u dhaafaysa 31,959 qof, iyadoo sanadkan 2017-ka T.I la qorsheeyay in laga hirgeliyo 40 degmo si kor loogu qaado adeeggan oo ahmiyad wayn u leh bulshada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015