Bangiga Adduunka ayaa Sheegay in ay ka go’an tahay in uu taageero dhaqaalaha, maalgashiga iyo hawlaha horumarineed ee Itoobiya

Addis Ababa; Dirir/Tikimt 19/2017 (ENA): Baanka Adduunka ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay in uu taageero isla markaana ay diyaar u yihiin inay Itoobiya ka taageeraan dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo hawlaha horumarineed.

Shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa lagu qabtay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Agaasimaha Maamulka Hawlaha Baanka Adduunka Anna Berde.


 

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyey Baanka Adduunka taageerada uu siiyo ee hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha waddaniga ah ee Itoobiya, kaas oo ay Ka mid tahay siyaasadda maaliyadda,iyo dhaqaalaha, sidoo kale shabakadda badbaadada bulshada, taas oo qayb ka ah tallaabooyinka dib-u-habaynta.

Agaasimaha Maamulka Hawlaha Baanka Adduunka Anna Berde ayaa sheegtay in Bangigu ay ka go’an tahay in uu taageero qorshaha soo kabashada dhaqaalaha iyo isbeddelka dhaqaale ee loo dhan yahay ee Itoobiya kaas oo looga gol leeyahay in looga faa’iideeyo dhammaan muwaadiniinteeda.


 

Waxa ay sheegtay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay taageerto hadafkeeda ah kordhinta helitaanka tamarta caalamiga ah iyo barnaamijka qaran ee lagu fulinayo horumarinta kheyraadka aadanaha.

Waxa ay sidoo kale tilmaantay in bangigu uu gacan ka geysan doono horumarinta qeybtan si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada, iyadoo la tixgalinayo jawiga maalgashiga ee ku haboon ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Waxaa la tilmaamay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la sii balaadhiyo wada xaajoodyada Isla markaana Agaasimaha maamulka ee Bangiga Adduunka Anna Berde ay booqasho ku imaan doonto Itoobiya bisha Dharabley/Tir 2025 ka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015