Golaha Wakiilada Shacabka ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa iyadoo uu goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 21/2016T.I.(ENA): Golaha Wakiilada Shacabka ayaa maanta yeelanaya wareegii 6-aad, sanad-shaqeedka 4-aad, kalafadhiga 3-aad ee caadiga iyadoo uu si rasmi ah u furmi doono saacadu marka ay tahay 2:30 subaxnimo, iyadoo uu goob joog ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.

Kulanka caadiga ah waxaa su'aalaha ay xubnuhu soo jeediyaan ka jawaabi doona Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) oo su'aalahaas oo ku saabsan khudbadii furitaanka ee uu Madaxweynaha JDFI Taaye Asqasilaase u jeediyay labada gole 27-kii Kodxin, 2017T.I.

Waxaa la filayaa in goluhu ay dhageystaan mowqifka xukuumadda, isla markaana ay ansixiyaan.

Sida ay sheegayso xogta aan kahelayno golaha ayaa waxaa kasoo qayb gali doona safiirada wadamada kala duwan ee ku sugan magaalada Addis Ababa, wakiilo kasocda hay’adaha caalamiga ah, culumaa’udiin, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015