Wafdi uu hogaaminayo Mudane Axmed Shide ayaa kalan la qaatay wadamada deymaha ee Eurobond

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 21/2016T.I.(ENA): Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa kalan la qaatay dalalka deymaha bixiya ee Eurobond iyagoo kulankan uu barbar socday shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ee ka socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Waxaa la sheegay in kulanka diiradda lagu saaray wanaajinta maareynta deymaha Itoobiya sida ku cad ajendaha wadajirka ah ee G-20-ka ee waddamada xubnaha ka ah.


 

Sidoo kale, Mudane Axmed Shide ayaa faahfaahin ka bixiyay dib u habaynta dhaqaale ee ay samaysay dawladda Itoobiya.

Si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladdu ay sameysay dib u habeyn dhaqaale oo looga gol leeyahay in lagu saxo qalloocyada dhaqaale ee jira iyo xaqiijinta kobaca dhaqaale ee loo dhan yahay ee dalka.


 

Ugu dambayntii, sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo maamuli lahaa deymaha iyadoo la tixgalinayo duruufaha iyo siyaabaha deynta lagu bixin karo ee waqtiga iyo xaaladda ku habboon.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015