Sanadkan waa markii la bilaabi lahaa shaqada xoojinta jiilka soo socda iyadoo la arkayo natiijooyin taariikhi ah ok aanaa waligeen arag – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Sanadkan waa markii la bilaabi lahaa shaqada xoojinta jiilka soo socda iyadoo la arkayo natiijooyin taariikhi ah ok aanaa waligeen arag – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 21/2016T.I.(ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in sanadkan uu yahay bilowga xilligii aan dhameyn lahayn dib u habeynta, islamarkaana aan bilaabi lahayn howlihii xoojinta shaqooyinka horumarka si jiilasha soo socda loo gaadhsiiyo iyadoo la arki doono natiijooyin aanan waligeen taariikhdayada ku arag.
Ra`iisul Wasaare Abiy ayaa bilaabay ka jawaabida iyo sharraxaad ka bixinta su’aalaha xubnaha ee la xidhiidha dhinacyada dhaqaalaha, nabadda iyo xasilloonida, diblomaasiyadda iyo arrimaha bulshada ee ay xubnaha goluhu soo jeediyeen.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xusay in lixdii sano ee la soo dhaafay uu dalka ku jiray dib u habeyn dhanka dhaqaalaha ah, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax qeyb ah oo uusan saameyn ku yeelan dib u habeynta.
Waxa uu sheegay in casharro badan laga bartay dib u habeynta.
Waxa uu golaha u sheegay in sanadkan uu yahay dhamaadka dib u habaynta liona baahan yahay inaan u shaqayno si qaran si aynu u aragno natiijo aynaan waligeen taariikhdayada ku arag.