Qaybta warshadaha ayaa la filayaa inay kor u kacdo boqolkiiba 12.8 sanadkan - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Qaybta warshadaha ayaa la filayaa inay kor u kacdo boqolkiiba 12.8 sanadkan - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 20/2016T.I.(ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa sheegay in qaybta warshadaha la filayo in ay kor u kacdo boqolkiiba 12.8 sanad miisaaniyadeedkan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa jawaabo iyo sharraxaad ka bixinaya su’aalaha la xiriira dhaqaalaha, nabadda iyo amniga, arrimaha diblomaasiyadda iyo arrimaha bulshada ee ay soo jeediyeen xubnaha golaha.
Waxa uu sheegay in shaqo badan laga qabtay sidii dib loogu soo noolayn lahaa qaybta warshadaha ee dhaqdhaqaaqa wax soo saarka warshadaha sanadadii la soo dhaafay iyada uu jawaabo iyo sharraxaado ay ka bixinayay arrimaha dhaqaalaha.
Shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay xalinta dhibaatooyinka soo ifbaxay gaar ahaan warshadaha, Waqtigan xaadirka ah, awoodda wax soo saarka warshadaha ayaa gaartay 67 boqolkiiba, ayuu yidhi Ra'iisul Wasaaruhu.
Waxa uu sheegay in qaybta warshadaha la filayo inay gaadho 12.8 boqolkiiba sannadkan.