Si loo sii xoojiyo xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Itoobiya, waxa lagama maarmaan ah in loo shaqeeyo si adag oo isku xidhan – Gadhiyoon Timootiyoos (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Si loo sii xoojiyo xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Itoobiya, waxa lagama maarmaan ah in loo shaqeeyo si adag oo isku xidhan – Gadhiyoon Timootiyoos (Dr.)
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 22/2016T.I.(ENA): Si loo sii xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee laba geesoodka ah iyo kuwa badan ee Itoobiya, waxaa lagama maarmaan ah in loo shaqeeyo si adag oo isku xidhan, ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gadhiyoon Timootiyoos (Dr.).
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay kulan aalada fogaan araga ah oo uu la yeeshay madaxda safaaradaha Itoobiya iyo xafiisyada qunsuliyadaha guud ee caalamka.
Sidoo kale, sida ay sheegayso xogta aan kahelayno wasaaradda arrimaha dibadda, wasiirku waxa uu xasuusiyay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan ee Itoobiya loo xoojiyo si wada jir ah.
Dr. Gadhiyoon Timootiyoos ayaa xusay in safiirrada iyo dublamaasiyiinta ay tahay inay xoogga saaraan sidii ay si wanaagsan u ilaalin lahaayeen danta qaran ee Itoobiya iyaga oo tixgelinaya hab-dhaqanka juqraafi-siyaasadeed ee caalamiga ah.