Slovenia waxay safaarad ka furatay Itoobiya

Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 22/2016T.I.(ENA): Dalka Slovenia ayaa maanta xariga ka jaray safaaradeeda oo ku taala xaafad Bole Rwanda, iyadoo ujeedadu tahay sidii ay u xoojin lahayeen saaxiibtinimada ay leeyihiin Itoobiya.


 

Wasiirka arrimaha Dibadda Gadhiyoon Timootiyoos (Dr.) iyo safiirrada dalal kala duwan oo fadhigoodu yahay Addis Ababa ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xafladda xadhigjarka safaarada.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Slovenia, ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo Yurub Tanja Fajon, oo xafladda ka hadashay ayaa sheegtay in Slovenia ay doonayso inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Itoobiya.

Waxa kale oo ay sheegtay inay doonayaan in Itoobiya ay kala shaqeeyaan arrimaha xuquuqul insaanka, arrimaha gobolka iyo qaaradaba.

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Gadhiyoon Timootiyoos ayaa sheegay in furitaanka safaaradda Slovenia ee Itoobiya aysan ahayn mid xoojinaysa saaxiibtinimada labada dal, balse ay gacan ka geysan doonto xoojinta iskaashiga aan la leenahay Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015