Danjire Berhanu Tsegaye ayaa kulan la yeeshay khubaro dhanka dalxiiska iyo warbaahinta ee Jabuuti - ENA Af-Soomaali
Danjire Berhanu Tsegaye ayaa kulan la yeeshay khubaro dhanka dalxiiska iyo warbaahinta ee Jabuuti
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 25/2016T.I.(ENA): Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti, Danjire Birhaanu Tsagaaye, ayaa dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Itoobiya, waxaa uu kulan ku saabsan arrimaha dalxiiska la yeeshay khubarada dhinaca dalxiiska iyo warbaahinta ee Jabuuti.
Booqashao loogu magacdaray “is-barashada” oo ay soo qabanqaabisay safaaradda iyadoo kaashanaysa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, ayaa khubaradu waxa ay booqdeen goobaha loo dalxiis tago oo ay ka mid yihiin seerada dalxiis ee midnimo, Saaxiibtimada, iyo Intoto, iyo sidoo kale Tuulada Dalxiiska ee Wanji Dhaandhi.
Booqashadaas ka dib ayaa la sheegay in khubaradu ay TV-ga qaran ee Jabuuti ku soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo ku baxayay luuqadaha Faransiiska iyo Soomaaliga oo ku saabsan goobaha loo dalxiis tago ee dalka Itoobiya.
Waxay sidoo kale kor u qaadeen goobaha dalxiiska ee Itoobiya iyagoo adeegsanaya wargeysyada iyo baraha bulshada.
Danjire Birhaanu Tsagaaye ayaa khubarada uga mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee ay uga soo shaqeeyeen horumarinta dalka Itoobiya mudadii uu khubarada kulanka la qaadanayay, sida ay sheegayso xogta laga helay safaaradda.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda waftiga Itoobiya ee safarka ku tagi doona Jabuuti si labada dal ay iskaga kaashadaan horumarinta xirmooyinka wadajirka ah ee dhinaca dalxiiska.