Shirkadaha Austria waxaa lagu martiqaaday inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Shirkadaha Austria waxaa lagu martiqaaday inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee Itoobiya
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 28/2016T.I.(ENA): Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday shirkadaha Austria in ay ka qayb qaataan fursadaha maalgashi ee ka jira Itoobiya iyaga oo ka faa’iidaysanaya fursadda ay abuurtay dib-u-habaynta dhaqaalaha.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Misgaanu Argaa, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka ah ee Austria, Danjire Biitar Laawuniski.
Danjire Misganu ayaa sheegay in Itoobiya ay xiisaynayso in ay kordhiso xidhiidhka ganacsi iyo maalgashi ee kala dhexeeya Austria.