Diyaaradii ugu horeysay ee Airbus A350-1000 ee laga leeyahay Afrika ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagaysa magaalada Laagoos ee dalka Naayjeeriya - ENA Af-Soomaali
Diyaaradii ugu horeysay ee Airbus A350-1000 ee laga leeyahay Afrika ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagaysa magaalada Laagoos ee dalka Naayjeeriya
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 28/2016T.I.(ENA): Diyaaradda nooceedu yahay Airbus A350-1000, oo ah tii ugu horreysay ee Afrika laga leeyahay ayaa duulimaadkeedii ugu horreysay ku tagi doonta magaalada Laagoos ee dalka Naayjeeriya, sida ay shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay shaacisay.
Dhawaan ayay ahayd markii ay diyaaradu soo gaadhay Addis Ababa iyadoo ah diyaaradii ugu horeysay ee Airbus A350-1000 ee laga leeyahay Afrika, taasoo ay lasoo degtay shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya.
Diyaaradan oo loogu magac daray "Dhulka asalka ah ee Itoobiya" ayaa leh 400 oo kursi, waana tii ugu horreysay ee Afrika laga leeyahay.