"Arrintani waxay keenaysaa rajo aad u wayn oo beeraleydu dhiirigalinaysa, waxaanan filaynaa dalagyo inagu filan in ay ka soo go'aan Deegaankeena si aynu uga maarano ku tiirsanaanta gacanta shisheeye"- Cabdiqaadir Iimaan (PhD) Madaxa Xafiiska Beeraha ee DDS - ENA Af-Soomaali
"Arrintani waxay keenaysaa rajo aad u wayn oo beeraleydu dhiirigalinaysa, waxaanan filaynaa dalagyo inagu filan in ay ka soo go'aan Deegaankeena si aynu uga maarano ku tiirsanaanta gacanta shisheeye"- Cabdiqaadir Iimaan (PhD) Madaxa Xafiiska Beeraha ee DDS
Addis Ababa, Dirir/Tiqimt, 28/2016T.I.(ENA): Masuuliyiin isugu jira heer deegaan iyo maamulka gobolka Faafan oo uu hogaaminayo Madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida Inj. Maxamad Shaalle ayaa maanta kormeer ku tagay dhul beereedyada degmada Tulli guuleed ee gobolka Faafan oo ka mid ah degmooyinka todobaadkan laga bilaabay goynta dalaga qamadiga.
Kormeerka wafdigan oo ay u jeedadiisu ahayd sidii loogu kuurgali lahaa heerka uu marayo wax soo saarka qamadiga ee sannadkan iyo sidoo kale halka uu marayo barnaamijka dalag iyo daryeel, ee waxsoosaarka khayraadka kala duwan ee dalagyada taasoo ah mid loogu talo'galay in lagaga maarmo ku tiirsanaanta gacanta shisheeye.
Masuuliyiinta ayaana soo indho indheeyay beeraha qamadiga ee degmadaasi oo wakhti xaadirkani ay socoto goyntiisu.